Madaxweyne Siilaanyo oo safar ugu kicitimay Dalka Jabuuti


 


Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka ambabaxay Madaarka Hargeysa, halkaas oo ay ka qaaday diyaarad.........

Hargeysa(TNN) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa goor dhawe yd u duulay Dalka Jabuuti , halkaas oo uu kaga qayb galayo Xaflad Ururka Somali-pen u qabanayso sanad guurada Afartanaad ee ka soo wareegtay Maalintii la qoray Af-ka So maliga.

Munaasibada Sanad guuradaasi oo lagu qabanayo Dalka Jabuuti Berri waxa Casuumade eda fidiyay Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo martiqaaday Madaxw eynayaasha Dalalka ku hadla Af-somaliga.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka ambabaxay Madaarka Hargeysa, halkaas oo ay ka qa aday diyaarad Madaxweynaha Dalka Jabuuti u soo diray, waxaanu Qolka Nasashada kula hadlay saxaafadda, isagoo sheegay in uu ka qayb galayo Munaasibadaasi.

Hase yeeshee mar wax laga weydiiyay Madaxweynaha inuu kulamo kale oo siyaasadeed la yeelanayo madaxda halkaas isugu imanaysa waxa uu sheegay inay dhici karto in uu w adahadalo la yeelan doono cid kasta oo u suurtogasha inuu arko.

Mar wax laga weydiiyay dhibaatada Doorashadii Golayaasha Deegaanku sababtayna wax a uu sheegay inuu aad uga xun yahay waxa dhacaya isla markaana waxa uu ka codsaday Musharixiinta hadhay iyo taageerayaashooduba inay is dajiyaan.
 

 


Timcade News Desk
Hargyesa , Somaliland