Madaxweyne Siilaanyo oo munaasibadda Ciidul Adxa hambalyo u diray shacabiga Somaliland
 

 


Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu ILAAHAY uga baryay  ...................

Hargeysa (TNN) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dhambaal Hambalyo ah u diray shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamkaba mun aasibada ciidul adxaha oo Jimcaha bari ah awgeed.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu ILAAHAY uga baryay malaayiinka qof ee taagan bu urta yoomal carafa ducadooda u aqbalo shacuubta islaamka.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu galabta soo saaray Afhayeenka Madaxt ooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu dhambaalka hambalyada Madaxweynuhu u dhi gnaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ku hadlaaya magaciisa, magaca golayaasha kala duwan ee qaran, iyo guud ahaanba magaca shacbiga Somaliland, meel kastay joogaan wuxuu hambalyo iyo boogaadin ku saabsan munaasibada islaamigaa ee weyn, ee Ciidal Axda u diraya hambalyo guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana shacabka reer Somaliland


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu illaahay ka rajeeyey in malaayiinka islaamka ah ee taagan yoomal carafa ducadooda inoo aqbalo, illaahayna wada jirkooda iyo nabadoodaba uu kor u qaado.



Shacabka Somaliland-na sanadkan kiisa kale ay ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo.”

 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland