WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed
Silaanyo, wa xa uu digreeto Madaxweyne oo Sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2501/052014
ku magacaabay laba Degmo oo Cusub.
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo
tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;
Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada,
Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;
Markuu Tixgeliyey:Baahida loo qabo in Degmooyin loo magacaabo
Degmada Gudmo Biyo-cas, iyo Degmada Ceegaag Degmooyin cusub;
Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;
Wuxuu go’aansaday;
1. In uu Gudmo Biyo-cas u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan
doonta Gobolka Sanaag.
2. In uu Ceegaag u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta
Gobolka Sara ar.
Axmed Saleebaan Dhuxul
Afhayeenka Madaxtooyadda
Somaliland
|