JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Republic of SOMALILAND



Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Email:

afhayeenka_jsl@yahoo.com,afhayeenka@gmail.com,(E-m: private) cukuse@hotmail.com

Date: 10/11/2010

War-Saxaafadeed



Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Digreeto Madaxweyne ku Magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Baanka Dhexe.



Waxaanu Madaxweynuhu Digreetadaa ku yidhi:-

Markaan Arkay: Qodobka 90-aad ee Distoorka Qaranka JSL.

Markaan tixgeliyey: Ahmiyadda uu Baanka Dhexe u leeyahay Dhismaha Qaranka.

Markaan Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadan,

Markaan ka Fiirsaday: kartidiisa, Aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo

Markaan ku qancay: Inuu hanan karo xilkan loo magacaabay

Waxaan go’aansaday

In mudane, Cumar Yuusuf Buux ‘Gaws’, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado, Gudoomiye ku xigeenka Baanka Dhexe ‘ Central Banka’ ee JSL.
 

 

 


ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.