Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo khudbad taariikhiya  ka jeediyay xuska 21 sanno guuradda madax-banaanida Somaliland oo lagu qabtay magaalada Hargeysa

 



Hargeysa 18 May 2012(TNN)-Khudabadda Madaxweyanaha Somaliland,mudane Axmed Maxam ed  Maxamuud (Siilaanyo), oo ahayd mid aad u dheer,oo taariikhiya,ayaa waxay u dhacday sida tan:

Madaxda Sharafta leh ee Golayaasha Qaranka iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland,waxaaa n idinku salaamayaa salaanta islaamka,  Asalaamu caleekum wa-raxmatulaahi wa-barakaatu
Mudanayaal iyo marwooyin,marka hore waxa mahad leh illaaheena weyn ee innagu simay in ay nu maanta u dabaal-degno xuska munaasibadda sannad guurada 21aad ee ka soo wareegtay maalinta qaran-nimada Somaliland oo ah 18 MAY.

Waxa mahad leh illaaha innagu galaday guusha qaran ee aynu maanta hayno.

Munaasibada xuska maalintan weyn waxaan Hambalyo iyo boogaadin u dirayaa Golayaasha Qaranka, Madaxda kale ee Dawladda, Ciidamada kala duwan, shaqaalaha, ardayda, Jaaliyadaha debeda, Ururada Bulshada, Culimada, Madaxda dhaqanka, Haweenka, dhalinyarada iyo Dhamaanba shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan, waxaanan leeyahay Hambalyo—Hambalyo—Hambalyo Sannadka sannadkiisana waxa aan illaahay ka baryayaa inuu innagu gaadhsiiyo nabadgelyo, guul iyo badhaadhe iyo Qarankeena Somaliland oo sii xoogaysta siina adkaada.


18 MAY waa maalintii aynu xaqiijinay qaranka Somaliland, waa Maalintii innagoo isu-dhan oo aanay cidi innaga maqnayn gacmahana is haysanna ku heshiinay in aynu dhidibada u taagno Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.Waa maalintii aynu ka bogsanay wixii inna soo maray oo aynu wada-jir u bilownay nolol cusubiyo dhismaha Dawladeed ee aynu gacanta ku hayno.

Somaliland waxa loo soo galay halgan dheer oo ku siman tan iyo maalintii uu yimi isticmaarku, halgankaas oo dhiig badani ku daatay, naf iyo maal badanna lagu waayey, Waxaan Ilaahay uga baryayaaa intii ku shahiiday saraakiil, askar iyo shicibba lahayd ee naftooda ku waayey in uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Waxaan leeyahay geesiyada nool ee usoo halgamay dalkan hadday tahay kuwii xabada madaxa u dhigay ee naftooda u hibeeyay ee maanta nool, kuwii xoolahoodii geliyay iyo kuwii maskaxdoo da iyo muruqooda geliyay ee daafaha dunida kala jooga, tacabkeenii wuu midho dhalay oo wax aynu dhalinay gobonimo iyo qaran madax banaan, talladeenii waynu meelmarinay oo waxaynu dhisanay dawladnimo, himiladeenii waynu xaqiijinay oo waxay dhidibada u taagnay bulsho nabd oon, leh sharciyad iyo qaanuun lagu hago iyo haykal maamul oo aynu ku kala danbayno, dunidu na inagu ixtiraamto.

Waa hubaal weli waa curdin, oo geedka gobanimada Somaliland manuu gaadhin wakhti midho bi slaaday iyo hoobaan laga daldalo, waase lagaadhi doonaa insha Allaahu ee haloo sabro, ha da alina, ha u damqanina duruufaha iyo waayaha, hana iska duminina qaranimada idinkaa leh ubad kiina iyo kuwa tagoogiina ku jira ayaa u aayi-doona, intii aynu dhib usoo maray, qaar inala wada agayay oo inaga badsaday ayaa maanta xabaalaha ku jira oo aan ka calfanin, halka qaar kalena laxaadkoodii ku waayeen ubadkoodiina aanu weli daryeel qabin, oo xil inaga wada saaranyahay.

Beesha Caalamka

Dadyawga beesha caalamka iyo dawladahoodaba waxa aanu u sheegaynaa oo aanu ku cel-cel in aynaa Somaliland waa xaqiiqo jirta, Somaliland waa run, Somaliland waa cadceeda oo kale, waxaanay ku timid rabitaanka shacbiga dalkan iska leh, waxay ku timid samir iyo dedaal dheera ada,waxay ku timid naf-hur iyo isa saamax aanu kaga duwanahay cid kasta oo duruuf-nala wadaagta, Somaliland waxay ku timid dareen loo dhan yahay.

Maanta oo uu qarankanu 21-tan jirsaday afar Xukuumadoodna si dimu-quraadiya isu soo bedel een waxa hubaal ah in aanu buuxinay shuruud kasta iyo xujo kasta oo ay Beesha caalamku ku xidhay aqoonsiga Somaliland. Waa hubaal in intooda badan dawladaha dunidu ay ka marag kac een indhahoodana ku arkeen xaqiiqada ka jirta Somaliland.

Ha dheeraato ama ha dhawaato waxaan doonayaa in aan mar kale ku celiyo oo aan Bulshada caalamka u caddeeyo in aanay Somaliland marnaba ka noqonaynin go’aankeeda, oo ay ku qan acsan tahay jiritaankeeda iyo Qaran-nimadeeda iyo in aanay Somaliland ka daalayn xaqiijinta madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waanu u sabraynaa wakhti kasta oo ay nagu qaa dato iyo qiimo kasta oo nagu tagto, waxaanan ku kalsoonahay in ay maruun ka mid noqon doo nto dawladaha dunida ee la aqoonsan yahay.

Madax-banaanida Somaliland waxba kama bedeli karaan Siyaasi, Suldaan iyo shakhsi meel teg ay, waa qadiyad umadeed mana jirto cid loo igmaday oo aan ahayn Golayaasha Qaranku. Waan a dembiile Qaran qof kasta oo ka qayb-gala shir ka dhan ah qaranimada Somaliland.

Mudanayaal iyo marwooyin

Waa la socotaan oo dhawaan waxa magaalada London lagu qabtay shir balaadhan oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 45 dawladood. Shirkaasi waxa ka soo baxay go’aan taariikhiya oo mark ii ugu horaysay ay beesha caalamku ku qirtay inay Somaliland iyo Soomaaliya ku wada hadlaan. Innagu dhinaceena wada hadalkaa intii innagaga beegnayd waynu fulinay walaaleheena Sooma aliyana waxaan ka rajaynayaa inay dhinacooda ka soo fudaydiyaan wixii ku xidhan, iyagoo qada rinaya go’aankii loo dhamaa ee beesha caalamka.

Soomaaliya

Waxaynu wada ognahay in xaalada Soomaaliya ay muddo cakirnayd oo ay colaado naafeeyeen, shacabka Soomaalidana ay kasoo gaadhay dhibaato aad u balaadhan, waanu ka xunahay, wax aanu la jecelahay wanaag, waxaanu illaahay uga baryaynaa deganaansho iyo horumar. Hogaa miyayaasha siyaasada ee Somaaliya waxaan usoo jeedinayaa inay shacbigooda u tudhaan oo danta bulshadooda mudnaanta siiyaan, nabad u raadiyaan qiimo kasta oo ay ku tagto, isuna tanaasulaan, wixii dhib ahna dhexdooda ka daayaan.

Qurbajooga

Anigoo og kaalinta ay mar walba kaga jiraan nolosha bulshada waxa aan si gaar ah halkan uga xusayaa qurba joogga Somaliland meel kasta oo ay joogaan, kuwaasoo la hubo inay door laxaa dle ku leeyihiin kor u qaadida maqaamka Somaliland, Xuska maalintan weyna waxaan idin leeyah ay Hambalyo.

Doorashooyinka iyo Dimuquraadiyada

Hanaanka Dimu-quraadiyadeed ee dalkeena ka hana qaaday wuxuu laf-dhabar u yahay wada-jirkeena, nabadeena, isu-tanaasulkeena iyo guud ahaanba jiritaanka qarankeena. Maanta waxa aynu ku guda jirnaa tabaabulshaha doorashooyinka dawladaha hoose oo aan ku rajo weynahay in ay dhawaan ka qabsoomi doonaan dalka, ururada iyo xisbiyada ku tartami doona doorashada waxaan kula dardaarmayaa inay xil weyn iska saaraan illaalinta nabad-gelyada iyo shuruucda dalku leeyahay.

Ballan-qaadyadii xukuumaddu fulisay waxa ka mid ahaa furashada ururrada siyaasiga ah, taas oo aannu u arkayno xaq muwaadinku leeyahay. Haddii tartan la galo cid uun baa guulaysata, inta kale ee hadhayna guusha way la wadaagtaa, Ururrada ku hadhay wejigii koowaad ee tarta nka iyo kuwa ku hadhi doona tartanka dawladaha hooseba waxan leeyahay isu arka in aad guu laysateen mar haddii ujeeddadii aynu u wada soconnay meel martay. Waad ogtihiin oo 80 cod baannu kaga hadhnay doorasho madaxtinimo, sababta aannu sidaa u yeelnayna waxa ay ahay d in aan ixtiraamno danta guud iyo jiritaanka qaranimada Somaliland.Samirku nacasnimo maaha, hadiise aad ku qanci waydo natiijada waxaa kuu furan in aad tabash adaada u marto dariiqa sharci ah oo aad dhawrto hanaanka Garsoorka.


Nabadgelyada

Anigoo u mahadnaqaya dhamaan ciidammada kala duwan ee qaranka kuwaasoo had iyo jeer heegan u ah difaaca dalka, iyo adkaynta nabadgelyada gudaha, sidaa si la mid ahna waxaana u mahad celinaya madax dhaqameedka, waxgaradka iyo dhamaan muwaadiniinta Somaliland ee ku garabtaagan xoojinta amaanka, waxaan leeyahay meel wanaagsan baynu joognaa waxaana lagama maarmaan ah inaynu maskaxda ku hayno in ay nabadgelyadu tahay tiirka ugu muhiims an jiritaanka bulsho iyo dawladnimo, sidaa awgeedna waxaa lama huraan ah inaynu illaalino mid nimadeena, wada jirkeena iyo isku duubnideena. Waxaan u tacsiyadaynayaa dadkii ku geeriyoo day shaqaaqadii ka dhacday xerada Ciidanka Qaranka oo ahayd dhacdo aan la fillayn, waxaan si gaar ah u xusayaa ciidamadii halkaa ku dhintay, waxaanan ka xumahay cid kasta oo wax ku gaadheen.Waad Mahadsantihiin.
 


Timacade News Desk