Madaxweyne Siilaanyo Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Martiqaad Ay Qaramada
Midobay Ugu Soo Dirtay Inay Somaliland Ka Qayb Gasho Shir Muqdisho
Ka Dhacaya
Hargeysa,August 27,2011(TNN)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed
Maxamed Siilaanyo ayaa gaashaanka ku dhuftay qorshe ay Qaramada
Midoobay ula timid kaas oo ku saabsan inay Somal iland ka qayb gasho
shir horaanta bisha dambe ee September ka dhacaya magaalada Muqdisho
ee dalka Somaliya kaas oo loogu magac daray shirka qaran ee wada
tashiga Somaliya.
Ku xigeenka ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo
Somaliya Danjire Christian Manahl,ayaa kulan uu khamiistii la
yeeshay Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu ugu soo bandhigay m artiqaad
rasmi ah si ay dawladda Somaliland shirkaas uga qayb gasho kaas oo
ay u soo fidisay Qaramada Midoobay. Ilo xogogaala ayaa Wargeyska
Geeska Afrikau xaqiijiyay in ergaygu isku da yay inuu Madaxweynaha
ku qanciyo inuu aqbalo ka qayb galka shirkaas isagoo hogo
tusaaleeyay inaanay wax dhibaato ahi ugu jirin Somaliland. Laakiin
sida ay ilahaas xogogaalka ahi Geeska Afri kau gu warameen
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Mr. Christian Manahl si cad ugu sheegay
inaanu shirkaasi Somaliland khusayn islamarkaana aanay sinaba uga
qayb geli karin.
Ilahaas xogogaalka ahi waxa ay Geeska Afrikau xaqiijiyeen in
Madaxweynuhu jawaabta uu ka bixi yay martiqaadka ay Qaramada
Midoobay ugu soo dhiibtay ergaygan uu sidoo kale ku gudbiyay q oraal
uu ku saxeexanyahay. Inkastoo aanay Geeska Afrikau suurtogelin inuu
qoraalkaas arko, ha ddana ilahan xogogaalka ahi waxay sheegeen in
Madaxweynuhu ku yidhi Qaramada Midoobay, “Waxaad ogaataan in dalkani
yahay Somaliland oo aanu ahayn Somaliya. Wixii kale ee aad nala
qaban karaysaan in aan ka wada shaqayno waxaanu u nahay diyaar,
laakiin shirkaas iyo arri mihiisa ma jiraan wax Somaliland ka
khuseeya, sinabana ugama qayb geli karto.”
Ku xigeenka ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan
Somaliland iyo Somali ya, waxa uu dalka joogay wax aan ka badnayn
shan saacadood, waxaanu dalka dib uga dhoofay markii uu la kulmay
Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale, safarkiisaas koobanina wuxuu
muujinay aa inuu siday farriin gaar ah oo deg deg ah.
Maaha markii koowaad ee ay Somaliland ka jawaabto shirkan iyo ka
qayb galkiisa, waxase ay hor e mawqifkeeda ugu cadaysay ergayga
Qaramada Midoobay Mr. Augustine Mahiga oo sida muuq ata isku dayay
inuu dedaal diblomaasiyadeed ku qanciyo Madaxweyne Siilaanyo.
Haseyeeshe ink astoo uu Ambassador Mahige yahay diblomaasi guun ah
oo la socda taariikhda gobalka, haddana si ay ka tahayba waxa ka
qarsoon in la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland tahay go’aan
shacab.
Dhinaca kale ilo kale oo ku sugan magaalada Nayrobi ee dalka Kenya
ayaa iyaguna Wargeyskan u xaqiijiyay in Qaramada Midoobay Somaliland
u qoondaysay 15 kursi oo ka mid ah wufuuda shirkaa s ka qayb geli
doonta. Sidoo kale Raysalwasaaraha dawladda Muqdisho Cabdiweli
Maxamed Gaas, ayaa shalay magaalada Garowe u tagay si uu
Madaxweynaha Puntland ugu qanciyo inuu shirkaas ka qayb galo. Mr.
Faroolaha Puntland ayaa si weyn uga soo horjeeda in shirkaas lagu
qabto Muqd isho iyo weliba inay maamusho dawladda Sheekh Shariif,
laakiin Cabdiweli Gaas ayaa sida ay ilah ani sheegeen isku dayay
inuu ku qanciyo Puntland inay shirkaas ka qayb gasho, waxa kale oo
uu isku dayayaa inuu dhexdhexaadiyo Sheekh Shariif iyo Cabdiraxmaan
Farole.
Source:Geeska.net
|