Madaxweyne Siilaanyo oo gaadhey magaaladda London, sheegayna in uu ku raja weyn yahay in uu Beesha Caalamka ka dhaadhiciyo qadiyadda Somaliland

 


 

“Shirkan waxaanu ka filaynaa waxa weeye inay duniddu na dhageysato....." Madaxweyne Siilaanyo

London (TNN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxam uud Siilaanyo iyo wefti uu hugaaminayo oo ay ka mid yihiin Marwadiisa Aamina Sh. Maxame d Jirde (Aamina Weris), Wasiirka Arrimaha Dibadda,Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, iyo xog ha yntiisa gaarka ah ,ayaa maanta gaadhey Magaaladda London ee Cariga Ingiriiska, ka dib markii ay maalinimaddii shalay ka soo duulleen Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Soma liland.

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisan oo ka soo dagay Madaarka Caalamiga ah ee Heathro w ,ayaa waxa halkaasi ku soo dhoweeyay masuuliyiin iyo xubno badan oo ka mid ah Jaaliy adda Somaliland ee ku dhaqan wadanka UK.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo oo waraabhinta kula hadlayay Qolka Nasashadda ee Madaarka Heathrow, ayaa sheegay in ujeedda uu u yimid magaaladda Lo nodn ay tahay siddii uu uga qayb gali lahaa shirka ka dhacaya magaladaas waxana uu yidhi “Waxaan socdaalkayaga u imid dalkan inaan ka qeyb galno aniga iyo wefti balaadhan ee ila socdaa oo aan rajaynayno inaan kaga hadlo danaha Somaliland Inshaalaahu,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxana uu intaasi ku sii daray “Shirkan waxaanu ka filaynaa waxa weeye inay duniddu na dhageysato mashaakilka mandaqadda ka jira, horumarka aa nu samaynay iyo baahiyahayaga , waxaanu doonaynaa inaanu arrimahaasi ka hadalno.”

 

Timacade News Desk
London, UK