Madaxweyne Siilaanyo Oo Furay Mashruuc lagu horumarinayo waxbarashada

 

 

 


Midowga Yurub oo Maal gelinaya Mashruucan ....


Hargeysa (TNN)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qayb galay munaasibad lagu furayay barnaamijyo ku saabsan Horumarinta waxba rashadda dalka oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa oo ay maal-geli nayso Midowga Yurub, kuna baxayso dhaqaale dhan sadex iyo toban Milyan, labo Boqol iyo Konton Kun oo yuuro

munaasabad lagu qabtay Magaalada hargaysa oo qayb ka ah qorshaha uu taageerayo midow ga Yurub ee loogu magac daray (Horumarinta Cilmiga) kaas oo ay iska kaashanayaan wasaar adda waxbarashada Somaliland iyo hay’adda Save The Children oo ay weheliyaan Hay’adaha NRC iyo CARE.

War saxaafadeed laga soo saaray xafiiska Hay’adda save The Children ee Magaalada Hargey sa oo munaasabadan maanta laga akhriyey ayaa lagu sheegay in Qorshaha loogu magac dar ay ((Horumarinta Cilmigu) wuu yahay mid lagu tiigsanayo helitaanka nidaam waxbarasho oo waara, kaas oo ku fidaya caruurta dhigata dugsiyada H/Dhexe iyo Dugsiyada sare, waxana qorshaha mashruucu si dhow ula shaqayn doonaa Wasaaradda waxbarashada Somaliland, iya doo inta mashruucu soconayo la fulinayo adeegyo waxbarasho oo wax ku ool ah oo ka jaw aab celinaya baahida caruurta Somaliland.

Hadal kooban oo qoraal ah oo ay soo saareen Midowga yurub isla markaana la hor dhigay ka qayb galayaashii munaasabadda maanta ayaa isna lagu qeexay in Qorshaha loo bixiyey (Hor umarinta Cilmigu) uu yahay mashruuc lagu awoodaynayo hanaan midaysan oo is waafaqsan oo waxbarashadu yeelato., waxaana isla qoraalkaasi midowga yurub ku caddeeyey in hirgelin ta ay ku bixinayaan adduun dhaqaale oo gaadhaya Kow iyo toban Milyan, labo Boqol iyo Kon ton Kun.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam cabdi Aadan oo munaasabadaas ka hadashay ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay had iyo gooraale wasaaradda waxbarashada Somaliland la dhinac taagan yihiin taageero hagar la’aan ah had ay tahay dhinaca dhaqaalaynta shaqaalaha, farsamada iyo qorshayanta.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kulankaasi waxa uu ka sheegay in Somaliland ay shacab iyo dawladba u mahadcelinayso midowga yurub, maadaama ay gacan ka gaystaan dhinaca waxbarashada oo ah furaha horumarka ay bulsho tiigsanayso.

Madaxweyne Siilaanyo waxuu sheegay in mudadii ay xukuumaddu xilka haysay ay awoodda saartay tayaynta waxbarashada lana kordhiyey miisaaniyad sanadeedka waxbarashada lana sii wadi doono hagaajinta mustaqbalka da’yarta Somaliland.
 


Cumar Maxamed Faarax