WAR-SAXAAFADEED

 



Taariikhda: - 27/09/2014

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu

Xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2800/092014, ku abuuray, Aas-aasidda Waaxda Ilaadda Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka ee Ciidanka Boo liiska.

Madaxweynuhu

Markuu Arkay: Qodobada 123aad iyo 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somalila nd oo lagu aas-aasay Saddexda Ciidan Qaran;

Markuu Arkay: Faqradda 4aad ee Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Som aliland oo qoraya in Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka;

Markuu Arkay: Xeerka Nabadgelyada iyo Anshaxa Guud Xeer Lr. 51/2011

Markuu Arkay: Faqradda 4aad ee Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Som aliland oo sheegaya in khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka ay mas’uul ka tahay Dawla dda Dhexe.

Markuu Tixraacay: Dedaaladda Xukuumaddu ugu jirto daah-furka khayraadka debiici ga ah iyo ka faa’iidaysiga khayraadka debiiciga ah iyo ilaalintiisa;

Markuu Garawsaday: Baahidda loo qabo xoojinta Amniga Goobaha iyo cid kasta oo ku hawlan Sahaminta iyo Soo-saarista Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka;

Wuxuu Go’aamiyey

Aasaasidda Waaxda Ilaalada Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka (Oil Protection Unit) oo laga soo xulayo Ciidammada Milateriga iyo Booliiska, kana tirsanaan doona Ciidanka Booliiska oo hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Line Ministry), Xubnaha iyo qaab-dhismeedkiisana uu jaan-goyn doono Taliyaha Ciidanka Booliisku marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaarad da Gaashaandhigga.



ALLAA MAHAD LEH


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL