Madaxweyne Siilaanyo Oo Dadweynaha Kala Qayb-galay Sala adii Ciida
Iyo Nuxurka Khubad Uu Ujeediyey Shacabka
Madaxweynuhu waxa uu ILAAHAY uga baryay dadka xanuunsanaya ee...
Hargeysa (TNN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
ayaa saaka sala adii ciidul fidriga ka dib khudbad uga jeediyay
kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha reer Hargeys a Masjidul jaamaca
weyn ee magaaladda Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu ugu horayn dhambaal hambalyo ah u
diray shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka oo uu ugu
tahniyadeeyay munaasibadda ciidul fidriga awgeed, waxaanu she egay
inuu ILAAHAY uga baryayo inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan
bash-bash iyo barwaaqo.
Madaxweynuhu waxa uu ILAAHAY uga baryay dadka xanuunsanaya ee
caafimaad darteed aan ka qeyb galin ciida uu shaafiyo.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay caalamka u cadaynayaan in
Somaliland tahay dal aan gor go rtan ka geli Karin masiirkiisa.
“Waxaan shacbiga u soo jeedinayaa inaynu ilaashano nabad-gelyada
dalka iyo midnimadda Somalil and.waxaan doonayaa inaan halkan ka
cadeeyo walaalaheena Koonfureed ee Soomaaliya arrimaha ka socda
dalkaasi waxaan doonayaa inaan u cadeeyo dadweynaha iyo caalamkaba
in Somaliland ay tahay dal madax-banaan. Waxaan jeclahay inaan
dunida ka dhaadhicino in ummaddani ay tahay mid madax-banaanideeda
muddo dheer u soo halgantay oo wax ka joojinaya iyo wax ka bedalayaa
mid na aanu jirin qaranimadeeda,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Md. Axmed Siilaanyo waxa uu intaasi raaciyay “Waxaanu jecel nahay in
Dalkaas (Soomaaliya) ee aanu walaalaha nahay iyagana ILAAHAY
dhibaatada ka dul qaado oo nabad-gelyo iyo dawladnimo ay samaystaan
oo dad jaar ah oo walaalo ah aanu noqono.”
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu ugu baaqay shacbiga Somaliland
inay iskaashadaan oo nabad-gelyadooda meel uga soo wada jeestaan.
Khalid Xabsi
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland
|