Madaxweyne Siilaanyo oo canaan u jeediyay xafiiska Siyaasada ee Qarammadda Midoobay

 

 



Hargeysa (TNN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland/Som alia uu kala masuugay Somaliland inuu beesha caalamka gaadh siiyo dimuqraadiyada dalk an iyo horumarka ka socda.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sidaasi ka sheegay kulan uu maanta la yeeshay Wefti ka socday qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay ku xigeenka Wakiilka qaram ada Midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Christian Mahal oo maanta Socdaal ku yim id dalka.

Madaxweynuhu waxa uu ku wargeliyay qaramada Midoobay inay Somaliland ula macaamil aan qaran buuxa oo aanay isku khaldin dalkiisa iyo Somalia, sida uu sheegay Wasiirul daw laha Wasaarada Arrimaha dibada Md. Maxamed-rashiid Sh. Xasan oo ka warbixiyay nuxu rka kulankii ay weftigani la yeesheen Madaxweynaha.

Madaxweynuhu waxa uu Xafiiska Siyaasada ku dhaliilay inaanay sidii looga baahnaa addu unka u gaadhsiin waxqabsiga aan caalamku waxba ku darsan ee Somaliland muujisay.

Kulankaasi oo qaatay muddo saacad ah waxa Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxwey ne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Saylici), Wasiirka Duulis ta hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirul dawlaha wasaarada Arrimaha dibada Md. Maxamed Rashiid Sh. Xasan.

Wasiirul dawlaha arrimaha dibada ayaa sheegay in weftigan uu isagu si kulan balaadhan la yeeshay weftigan si ay u darsaan sidii loo meel marin lahaa qodobada ay Madaxweynaha ka wada hadleen.
 

 


Source: Somaliland.Org