Madaxweyne Siilaanyo Oo Caawa U Hoyday Magaalada Tog-wajaale

 


Tog-wajaale ( TNN):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo),iyo w afti ka mid ah Golaha Xukuumada ayaa caawa kusoo hoydey Degmada Tog-Wajaale ee ku ta ala Xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya.

Waftiga uu Hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland oo ka soo laabtey Gobolka Awdal,kadib markii uu kormeer ku gaadhay halkaasi ayaa, caweysinkii caawa lagu soo dhaweeyay Degm ada Tog-Wajaale oo uu ku hoydey Huteel Weyn oo ka mid ah huteelada Cusub ee  dhawaan laga furey Magaala Ganaacsiyeeda Tog-Wajaale iyadoo gogol xaadhkiisa si weyn looga dare emayay Maanta Tog-Wajaale ka dib markii ay ka soo hormareen Madaxweynaha iyo Waftiga uu horkacayo Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale,iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Muuse Qaasim Aw Cumar, waxaana lagu wadaa in Mada xweynuhu Maalinta Jimcaha Bari ah uu Mashaariic u dhagax dhigi doono Degmada Tog-Waja ale


Halka uu Degmada Alleybadeyna xadhiga ka jari doono, Dhismaha Guriga Weyn ee Martida o o halkaa dhawaan laga bineeyay,Sidoo kalena waxa lagu wadaa in Madaxweynaha Somalilan d Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo) iyo waftiga uu hogaaminayaa, ay uga gudbi doona an Degmada Alleybadey dhinaca Degmada Faraweyne,Ballicabane,iyo Xarunta Gobolka Hawd ee Degmada Balligubadle.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa, barqadii Saaka xadhiga ka jarey Dhismaha Qeybo ka mid ah Gabyanka Dooxa Arabsiyo,oo dhinaca Dooxa ay dhawaan Hay,ada Wadooyi nku ka samaysay Biraha Ciida kexeeya inkastoo Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo Cabdilaahi Cabdi Faarax oo carabka ku dhuftey in Madaxweyne Siilaanyo,yahay Madaxweynihii u horeey ay oo Mashruuc laba jeer xadhiga ka jara Degamada Arabsiyo Dadweynaha Reer Arabsiyo ayaa, soo dhaweeyay dhinacooda Mashruucan,gabyanka iyo dhibaatada Bataaxu ku hayo, marka daadadku soo rogmadaan.
 

 


Cabdiraxmaan-hiiraan