Madaxweyne Siilaanyo Oo Bahda Hal-abuurka Iyo Shacabka Reer Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timid Abwaan Gaariye

 

 

 



Dhambaalka tacsida ah ee Madaxweynuhu diray geeriday Naxdinta leh ee ku tilmi Maraxuum Abwaan Gaariye.....


Hargeysa (TNN) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa tacsi u diray qoyskii , qaraabadii iyo Shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Abwaankii weynaa ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo xalay ku geeriyooday Caasimadda Dalka Norwey ee Oslo.

Dhambaalka tacsida ah ee Madaxweynuhu diray geeriday Naxdinta leh ee ku tilmi Maraxuum Abwaan Gaariye, ayaa u dhignayd sidan:-
Dhambaalka Tacsida Madaxwaynuhu u diray shacabka Somaliland ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Aqoon-yahanada Somaliland, Bahda Tacliinta, Bahda Hal-abuurka Fanka iyo Suugaanta, Bulshada Reer Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay MARXUUM, MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) oo Xalay ku geeriyooday Cusbitalku-yaal Magaalada Oslo ee Wadanka Norway oo marxuumku beryahaaba u jiifay Xaalad Caafimaad.


ALLE ha u naxariistee MARXUUM, MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) waxa uu ka mid ahaa hal-doorkii hormuudka u ahaa xoraynta dalka iyo baraarujinta ummaddeena, waxa uu ka mid ahaa aqoon yahanadii Qoraalka Afka-somaliga salka u dhigay,
ALLE ha u naxariistee MARXUUM, MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) waxa uu ahaa aqoon yahan hal-abuur ah karti leh aragti horumarsana leh, waxa kale oo uu kaalin mugleh ka soo qaatay dhismaha nabadgelyada, dawladnimada, dimu-quraadiyada Somaliland.
MARXMUUKU, waxa uu ahaa halyey qaran oo taariikh ku leh Ummadda Somaliland, qayb libaaxna ka soo qaatay halgankii loo soo galay dib ula soo noqoshadii Somaliland ee ay ku timid in uu dalkani noqdo qaran madaxbanaan.


Madaxwaynuhu waxa uu Marxuumka ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Aqoon-yahanada Somaliland, Bahda Tacliinta, Bahda weynta Hal-abuurka Fanka iyo Suugaanta, Bulshada Reer Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo iimaan uu ka siiyo


AAMIIN …………………AAMIIN ….…………. AAMIIN

 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)


Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.