Madaxweyne Siiraanyo iyo Waftigiisii Oo La kulmay Meles Zinawi iyo Qaar Kale oo Ka mid ah Madaxda Ugu Sarsaraysa Dalkaasi.

 





Addis Ababa (TNN)-Madaxweynaha Dawladda Fedraalka ee Itoobiya Mudane, Girma Wolde-Giorgis, iyo Ra”iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka ee Ethiopia Mudane Meles Zenawi ayaa maanta kulamo gooni gooniya xafiisyadooda, qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxa med Silaanyo iyo weftiga uu hogaaminayo oo ku sugan xarunta dalka Ethiopia ee Addis-ababa.


Ugu horayn Madaxweynaha dawladda Fedraalka ee Itoobiya Mudane, Girma Wolde-Giorgis, oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa, ayaa Labada Madaxweyne waxay kulankaa kaga wada hadleen xidhiidhka qotadadheer ee u dhexeeya labada dal, ee arrimaha siyaasadda, nabadgalyad a gobolka iyo guud ahaanba sii adkaynta iskaashiga & wax wada qabsiga labada dal.

Kulankaa labada madaxweyne ka dib, Ra”iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka ee Ethiopia Mudane Mel es Zenawi ayaa isaguna Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftigiisa.

Ra”iisal Wasaaraha iyo Madaxweynuhu waxay si qotodheer uga wada hadleen xidhiidhka siyaasadeed, nabadgelyo iyo Dhaqaale ee labada wadan.


Madaxweyne axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu ra”iisal wasaaraha uga waramay xidhiidh kan Cusub ee iskaashiga dhinaca dhaqaalaha iyo Maalgashiga ee u bilawday Somaliland iyo Wadanka Shiinaha iyo Dalka Ethiopia.


Waxaanu ku dheeraaday Madaxweynuhu Muhiimada nololeed, dhaqaale, ee uu xidhiidhkani u yeelan do ono Somaliland.

Ra”iisal wasaare Meles Zenawi ayaa isaguna dhiniciisa si weyn u soo dhaweeyey isla markaana xidhiidh kan maalgashiga ku tilmaamay mid muhiimad weyn u leh guud ahaanba mandaqada

Waxa Madaxweynaha kulamadan ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Madaxtooyada Mudane, Xirsi Cali X. Xasan, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Beeraha Prof. Faarax Cilmi Maxamuud, Maareeyaha Dekedda Berbera Mudane, Axmed Yuusuf Dirir, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL Mudane, Cali Axmed Cali, iyo Safii rka, Somaliland ee Addis Ababa Amb. Aden Nuux Duule iyo Safiir Ku-xigeenka Mudane, Ayaanle Salaad Diiriye.