Madaxweyne Siilaanyo Iyo waxgaradka Gobolka  Gabiley ,oo uu hogaaminayo Suldaanka Guud ee Gobolka ,Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxman, oo kulan xasaasiya Jilabaha Isku dhigay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland

 

 



Inkastoo kulankani uu ahaa mid ay albaabadu u xidhan yihiin balse warar xogogaal ah oo ay helayso shabakadda Timacade News ayaa waxa ay sheegayaan......


Hargeysa (TNN)- Cuqaasha iyo waxgaradka Gobolka Gabiley ayaa kulan xasaasiya isla markaana ay alb aabaddu u xidhan yihiin waxa ay caawa fiidkii la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siiaalyo, kulankan oo ahaa mid garnaqasi oo u dhaxeeya Beesha Gobolka Gabiley iyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa ka soo qayb galay in ka badan Labaatan Wax gar ad oo isugu jirra Cuqaasha, Salaadiinta iyo Wax-Garadka Gobolka Gabiley, waxana ay ergaddani Madax weynaha kala hadleen arimo is biirsaday kuwaas oo ay ka tirsanayaan Dadweynaha Reer Gabiley xuku umadda uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Siilaanyo.

Kulankan oo ahaa mid adag oo ay jilbaha isdhigeen Madaxweynaha iyo Odayaasha Reer Gabiley ayaa waxa lagu soo hadal qaadey eedaymo iyo dhaliilo isbiirsaday kuwaas oo ay ka tabanayaan Bulashadda Gobolka Gabiley Xukuumadda uu hugaaminayo Madaxweyne Siilaanyo, waxana ay sheegeen wax garad dkani in dhaliilahani ay yihiin kuwo soo jiitamay isla markaana is biirsaday, waxana ay Madaxweyne Siilaanyo ka codsadeen inuu wax ka qabto arimahan.

Arimaha ay ka hadlleen odayaashani ayaa waxa ka mid ahaa Badaladdii Taliyaha Ciidanka Qaranka So maliland Gen Maxamed Xasan C/laahi Jidhif iyo casiladdii isaga ka horeysay ee Taliye Nuux Ismaaciil Taa ni, waxana ay Waxgaradkani Madaxweynaha Somaliland u sheegeen in uu ku degdegay casiladaadda labaddan Taliye.

Inkastoo kulankani uu ahaa mid ay albaabadu u xidhan yihiin balse warar xogogaal ah oo ay helayso sh abakadda Timacade News ayaa waxa ay sheegayaan in waxgaradkani ay si cad Madaxweyne Siilaanyo ugu sheegeen in dadweynaha kala gadisan ee Reer Gabiley aanay helin isbadalkii ay sugayeen, waxana ay tilmaameen in Xukuumadda taladda dalka haysaa ay ka gaabisay in ay umadda u soo bandhigto wixii ay ka sugayeen, loona baahan yahay in wax jira ee lakala tabanayo la dhameeyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ujaawabay wax garadka Reer Gabiley, waxana uu qiray in tabashooyinkani ay yihiin wax jira balse waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in hawshan iyo tabashaddan lagu dhameeyo sidda ugu macquulsan isla ma r ahaantaasna ugu dhkhsiyaha baddan, waxana uu Madaxweynuhu ka cudur daartay in wakhti xaadirk an uu si wanaagsan hawshan uu udhamaystiro, isaga oo ka garaabay wax kasta oo ay codsanayeen w axgaradka reer Gabiley, balse waxa uu Madaxweyne Siilaanyo balan qaadey in tabashooyinkan uu gud da gali doono ka dib marka uu ka soo noqdo shirka London.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu si qayaxan waxgaradka reer Gabiley ugu sheegay in uu diyaar u yahay siddii uu u dhamaystiri lahaa tabasho kasta oo jirta, waxana uu intaasi ku daray inaanuu wax kasta oo itaalkiisa ah ka hagarnayn, balse waxa uu waxgaradka Gabiley ka codsaday in lala shaqeeyaan xukuum adda.

Kulankan ayaa ku soo gabagaboobay jawi wanaagsan iyo is afgarad, waxana wax garadka ka qayb ga lay ka mid ahaa Suldaan Ismaaciil Suldaan C/Raxmaan Iyo Chief Caaqil Cabdi Ciidlle Amaan, iyo wax garad kalle

 



Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland