Madaxweyne Siilaanyo Iyo Muuse Biixi Oo Ka Bilaabmay Xulashada Ergooyinka KULMIYE Iyo Madaxtooyada Oo Doonaysa Inay Saamayn Ku Yeelato Xulistooda

 


Hargeysa (TNN):-Ka dib markii uu guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, iclaamiyay inuu Madaxweyne Siilaanyo kula tartami doono murahaxnimada xisbiga KULMIYE, ayaa wax a bilaabmay loolan lagu kala jiidanayo xulashada xubnaha ka mid noqonaya golaha dhexe ee KULMIYE.

Maadaama oo ay golaha dhexe noqon doonaan cidda kala saari doonta Madaxweyne Siilaa nyo iyo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa la dareemayaa inay madaxtooyada Som aliland oo ku baraarugtay dhawaaqa murashaxnimo ee Muuse Biixi ay olole xoog badan ku qaaday liisaska ay beeluhu u diyaariyeen inay ka mid noqdaan golaha dhexe ee KULMIYE, i yadoo ku samaynaysa baadhis iyo hubin ka hor intaanay gudbin, waxaana soo baxaya war ar sheegaya in la bedelay qaar ka mid ah liisaskii ay beeluhu u diyaariyeen inay u metelaan golaha dhexe ee KULMIYE, iyadoo madaxtooyada Somaliland doonaysaa inay saamayn bad an ku yeelato xulista ergooyinka.

Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo nidaam ahaan leh ansixinta xubnaha ay b eeluhu soo xushaan marka liiskooda loo soo gudbiyo ayaa isna dhinaciisa dedaal ugu jira in uu gacan weyn ku yeesho soo xulista xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo ah kuwa hadhow kala saaraya murashaxiinta hungurigu ka hayo ka qayb galka doorashada madaxt ooyada.

In kasta oo aanu weli loollanku si muuqata u bilaaban haddana sida muuqata sida ay labad a hoggaamiye ugu kala awood bataan soo xulidda xubnahan ayaa noqon doonta dhibicda guushu hadhow ku kala raacayso haddii ay dhacdo in ay xisbiga dhexdiisa ku soo tartama an, sidoo kale waxa ay tani bilow u noqon kartaa khilaaf kale oo la kowsada dhismaha gola ha dhexe.

Geesta kale, waxa soo baxaya warar sheegaya inay xukuumadu olole ugu jirto inay bedesh o guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), oo inkasto o uu kursigiisu ku jiray heshiiskii la gaadhay ee dhigayay inaan hoggaanka xisbiga la bede lin, haddana ay suurtogal tahay in tartanka Muuse iyo Madaxweyne Siilaanyo uu sahaydo

 


Source: Geeska