Madaxweyne Siilaanyo...Xamar Maya...Raaci Mayno
Raadkii 1960kii.
Aniga oo aan cidna mudayn ahna muwaadin u dhashay dalka Somaliland
waxa aan Madaxweynaha
Ja mhuuriyada Somaliland leeyahay marnaba yeeli mayno inaanu dib ula
midawyno Xamar,maanta
maa ha 60kii,maaha maalinkii aynu 5ta Somaliyeed faraqa ku guntanay
ee aynu u halgamaynay
israacood a.Taasi waa arrin aynu ku hungawnay oo adhaxda iyadu iska
jebisay.
Madaxweyne Axmed-Siilaanyo dhinacaaga eeg,shirka waxa fadhiya laba
(2) dawladood oo rasmi
ah,k ana tirsan 5tii la eeday.Labadaasi waa Somaliya iyo Djabuuti.
Waxay la qabaan cidda shirka
qabatay in laga taliyo sidii Somali loo midayn lahaa iyaga oo ay
faraqa ugu guntantahay jiritaankooda
kala gaa rka ah.Maaha taasi mid cidnaba ka qarsoon,bal dushaada eeg!
labadoodii calan ayaa ka hor
lulmaa y a,calankii jamhuuriyada Somaliland halkaynu ku xaraynay!
Madaxweyne Axmed, hadaan ku xasuusiyo shaxdii siyaasadii
60kii,shacabka reer Somaliland way
ku kala qaybsanaayeen raacitaanka koonfurta Somaliya,qaab beeleed
ayay u dhignayd marka laga
reeb o dhawr oday oo isku dhaf ahaa.Maantana waa shaxdii oo isla
wejigii uun leh balse beelihii
qaarkood dhinacay ka soo jeedeen ayay bedeleen,dhawr siyaasina way
ku dhex milmeen..
Hadaba waxa jira maanta tiro aad u badan oo aqoonyahan ah,shaxdana
dibada ka ah,indhahana
ku h aya qaabkay cayaartu u socoto balse aanay marnaba ka suurta
galayn inay raadkii 60kii
awoow-ya ashood dhigeen dib u raacaan.Waa ma dhacdo.Taasi hakuu
guntanaato.
Maaha in laguu yeedhiyo aayaha Jamhuuriyada Somaliland,maaha in lagu
yidhaa shirka ka
jeedi waxii aad qabsateen sidii arday jaamacad ka qalin jebinaaya,
lagana sugayo thesis-kii
uu qoray.Ta lagaaga fadhiyaa waa weedha aad garanayso.
Dhinaca kale,Madaxweyne Axmed waxa lagaaga fadhiyaa talo walaalnimo
inaad shirka ku
biirisid,kuna jihaysan dejinta Somaliya sida ay Djabuuti-ba uga qayb
galay so talo-wadaagga
shirka loo agaasimay. Shacabka Jamhuuriyada Somaliland-na waxa ay
kaa filayaan inaadshirka ka cod satid aqoonsiga Dalka aad ka socotid ee Jamhuuriyada
Somaliland.Haka yaabin
xaajo kale oo ay suga yaan,mana seexanayaan inta uu shirku dhamaanayo.
Madaxweyne Axmedow,waxa iga dardaaran ah: Lix sannadood ayaad na soo
hogaaminaysay
berigii duur galkii,maantana ku dhowaad 2sanno ayaad hogaaminaysaa
Jamhuuriyada Somaliland,arrinku ya anu ku seegin,waxaynu soo qabsanay kama qarsoona inta
shirka imanaysa,odhaahda
shacabku kaa sugayaan waad garanaysaa ee ku dhaceeda yeelo,kana
ilaali baal madaw inuu ku
dhigmo taariikh siy aasadeedkaaga.
Waxa aan ku soo afjarayaa Madaxweyne Axmed ...
Xamar Maya...Raaci
mayno Raadkii 60kii.
Xuseen Xasan Badmaax
4026100
Hargeysa,Jamhuuriyada Somaliland. |
|