Madaxweyne Riyaale Jawaab ha ka bixiyo Wasii rka Qirtay Xatooyada Xoolaha Ummada

 

Wasiirrka Wasaarada Beeraha Somaliland Md Dhoolayare ayaa si  badhee dh ah u qirtay inuu ka dhergey Hantida wasaarada uu masuulka ka yahay isagoo sidoo kalena taabtay in xiligan ay jeebabka Buuxsadeen isaga iyo Saaxiibadiisa kale ee wasiirada ah oo ay dhiiga dadweynaha u jaqeen sida gafanaha, isla markaana ay xiligan isku deyi doonaan in ay baaqiga yar ee hadhay wax ku qabtaan si mar kale loo doorto.

Inkastoo ay xukuumad kasta oo African ah caado u tahay inta ay umada wexeeda ka dheregto in maalmaha u danbeeya ay tidhaahdo wax baanu qabanaynaa hadana waxaa arin cusub oo lala yaabo noqotay Wasiirka sida tooska ah u qirtay in ay isaga iyo dhamaanba xubnaha xukuumada ee xisbiga UDUB ay ka dhergeen hantidii qaranka,



waxaana xiligan laga war dhowrayaa in Madaxweyne Riyaale arintan jaw aab ka bixiyo oo uu shaqada ka fadhiisiyo Wasiirka qirtay xatooyada xool aha umada isla markaana uu dacwad ku soo oogo kalana xisaabtamo xoolihii umada ee uu qirtay inuu sida GAFANAHA u jaqay bal wasiirada kale ee aan waxba qiranin ha inoo danbeeyeene.

Xukuumada Madaxweyne Riyaale ee Xisbiga UDUB oo in mudo ahba sha cbiga reer Somaliland ka soo taagnaayeen ka dib markay ku caan baxday Musuqmaasuq ,digtaatooriyad,wax qabadla,aan iyo nidaam xumo ayaa iminka ku darsatey inayba faan ka dhigato ku tagri falka hantida qaranka hadaba anaga oo ah Qurba jooga Xisbiga UDUB ee Dimoqraadiga ah waxaanu shacbiga Reer Somaliland u iftiiminaynaa in Kooxda Xisniga UDUB ee uu Hogaanka u hayo Madaxweynaha Mudadiisii Dhamaatay ee Daahir Rayaale aanay u qalmin in mar kale la doorto, maadaama ay Taladii Xisbiga Maroorsadeen oo ay diideen in Xisbiga loo Helo Hogaan cadaalad ah oo La jaanqaada Tartanka Doorashooyinka soo socda isla markaana aynu aragnay iyaga wax qabadkooda iyo musuqmaasuqoodaba waxaan soo jeedinaynaa in Xisbiga UDUB aanu Xiligan u qalmin in Cod la siiyo isla markaana aanu Codkayaga Xiligan ku taageerayno Xisbiyada Mucaaradka kii aanu u aragno inuu xiligan adag umada Badbaadin karo inta aanu Dib u habayn ku samaynayno Xisbigii Sharafta lahaa ee UDUB oo xiligan ay isugu hadheen Koox isku bahaysatay Boobka hantida qaranka.

Waxaa Xusid Mudan in Wadaniyiinta ay dalka Lexejeclo ka hayso ee ka tirsanaa Xukuumada Riyaale ay si toosa mar walba u iftiimin jireen khaladka iyo wax qabad la,aanta Xukuumada iyadoo qaarkoodna siday Siidhiga u afuufayeen lagu ereyey markii Rayaale U dulqaadanwaayey Siday Tooshka ula Daba socdaan qaar kalena iskood isu casiley markay u adkaysan waayeen maamulka xun ee ay toosintiisana cidi ka maqliweydey Muwaadiniintaas oo aynu ka xusi karno.

Md. Maxamed Xaashi Cilmi, Drs. Adna Aden Dhakhtar, Mujaahid C/laahi Xusen Iman Darawal. Ing.Aden Mire Waqaf.iyo qaar kaloo badan.

 

 



Xidhiidhiyaha Laamaha Xisbiga UK iyo Xafiiska Dhexe ee Hargeysa
Birmingham UK
Dr.Abdirahman Ali Ubaxle