Madaxweyne Riyaale iyo Macalin Siyaad maxaa u dhexeeya

 

Calaamadahaas waxaa si gaara ah u leh dhamaan dadka inta aan c aqligoodu sida taban u shaqeeyo , inta aan khasaaraha iyo faa’iida da isu dheeli tiri  Ka rin.........

Maahmaah soomaaliyeed ayaa tidhaah Awrba awrka horeeya ayuu  socodk iisa leeyahay, nin soomaaliyeed oo gabyeyna wuxuu yidhi  Do ofaarka weyn iyo ka yari wax isma doorshaan, ujeedada iyo xikmada ku jirta murtidan  wax aynu ka baranaynaa in ardaygu raaco raadka macalinkiisa , haduu xumaa iyo haduu wanaagsanaaba boqolkiiba  sa gaashan 90% waxaase ka baydha  dar iiqa macalinka xun dadka inta Ilaahay caqliga iyo garashada saliimka ugu  dee qo ee miisaami karta ficilka iyo dhaqanka macalinka xun ama kala saari karta xumaanta iyo wanaaga , iyadoo Ilaahay ka sheekaynayo gaaladii  maangaab ka ahayd sida ay u raaceen jidkii qaloocnaa ee ay ka dhaxleen  aaba  yaasho od iyo macalimiintii barbaarisay ayaa Ilaahay wuxuu ku yidhi Quraankiisa Kariimka ah :- وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱتَّبِعُواْ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ قَالُواْ بَلۡ نَتَّبِعُ مَآ أَلۡفَيۡنَا عَلَيۡهِ ءَابَآءَنَآ‌ۗ أَوَلَوۡ كَانَ ءَابَآؤُهُمۡ لَا يَعۡقِلُونَ شَيۡـًٔ۬ا وَلَا يَهۡتَدُونَ

Aayadaas quraaka oo macneheedu yahay gaalada marka la  yidhaahdo raaca dariiqa Ilaahay waxay ku jawaabaan waxaanu raacaynaa dariiqii aanu ka  dha xalay aabayaashayo xataa hadii aabayaashood ahaayeen qaar maangaabyo ah oo aan caqli lahayn.

Calaamadahaas waxaa si gaara ah u leh dhamaan dadka inta aan  ca qligoodu sida taban u shaqeeyo , inta aan khasaaraha iyo faa’iidada isu dheeli tiri  Ka rin, inta aan saxa iyo khaladku u kala muuqan ee  xu maha iyo samaha kala garan Karin.

Hadii aan dib ugu noqdo mawduuca qoraalkan oo ah Faraq ma u  dhe xeeyaa Dahir Riyaale iyo Siyaad Barre ayaan waxaan ka codsanayaa dhamaan  akhr istayaasha mawduucan inay si degan oo ilsugnaansho leh ugu eegaan bal  far qiga u dhexeeya ardaygaas iyo macalinkiisii  D ahir iyo Maxamed. Maxamed Siyaad Barre markii uu dalka qabsaday waxaa loogu yeedhi jiray  Madaxwe ynaha ku meel gaadhka ah iyadoo aan la tilmaamin muddo cayiman oo uu ahaanayo ku meelgaadh ,  iy adoo aan la tilmaamin waxa ka danbayn doona ku meel gaadhka ,Si yaad Barre wuxuu samaystay koox la odhan jiray  xildhib aanada golaha Sare ee Kacaanka , kooxdaasi waxay u bixiyeen Siyaad Barre magac kasta oo qurux badan oo ay ka heleen afsomaliga waxanay siiyeen tilmaan iyo astaan kasta oo qurux badan ilaa ay ka gaadhsiiyeen inay ku shahaban Nebi Maxamed (SCW) oo mid ka mid ah laga weriyey inuu yidhi Nebigeena iyo Siyaad Barre waxay iskaga mid yihiin tilmaamo badan oo ay ka mid tahay magaca Mohamed Siyaad iyo xaaskiisa Khadija Macalin, Nebi  Moha med (SCW) iyo hooyadii mu’miniinta (Khadija ) oo ahayd xaaskii Nebiga ,  wax ay ku shahabeen wax kasta oo wanaag ula muuqday waxaanay ugu  sacabi yeen wax kasta oo xun oo uu sameeyey .

Hadaynu milicsano Dahir Riyaale oo ay muuqato inuu hayo dhabadii  macalinkii sa wuxuu ahaa markii uu yimid xukunka oo uu ku yimi si sharciga khilaafsan iyadoo ay ahayd inuu Gudoomiyaha Guurtidu qabto xukunka muddo lixdan Cisho ah ayuu kursiga ugu fadhiistay si khaldan waxaanu ahaa  Madaxweyn aha Ku meelgaadhka ah , Ku meelgaadhnimada Dahir way tilmaanayd waanay ka duwanayd ta Siyaad Barre waxaanay ku ekeyd intii ka hadhsanayd doorashdii madaxweynaha , hase yeeshee waxaa ku xeernaa kooxdii Xisbigii hantiwadaaga koox la mid ah oo ay ka mid yihiin, Cali Warancade , Cawil mucjiso, Siciid Sulub, Cawl, Cabdilahi Mohamed Ducale iyo Guulwadayaashii uu ka takhalusay ee ay ka midka ahaayeen Ismaciil Faqash oo ahaa dhibtii ugu weyneyd ee taariikhdii S/land soo mara dalka dhowr jeerna ku sigay inuu dalka ka rido dagaalo sokeeyo , Cabdilahi Darawal, Talaaba Cadde , iyo in badan oo la mid ah waxaana Dahir Riyaale ay ku guulaysteen in ay xukunka ku soo celiyaan iyadoo uu ku soo noqday boob iyo ku shubasho, waxyaabaha la yaabka lahaa waxaa ka mid ah xaafada Gacanibaax codadka laga keenay ee Cali Warancade iyo Cawl kaga soo shubeen waxay u dhignaayeen ama ay le’ekaayeen kala badh codadkii magaalada Hargeysa.

Xildhibaanada Golaha kacaanka Dahir Riyaale waxay marinayaan wadadii la qaadsiiyey Siyaad Barre waxaase ay arkeen inaanay ka iibsamayn magacyadii Siyaad Barre loo bixiyey waxaanay ku bedeleen ereyo ah Dahir la’aantii nabadi may jirteen, Dahir la’aantii dawladi ma jirteen, Dahir la’aantii doorasho ma dhacdeen, Dahir la’aantii waa lays dili lahaa iyo wax la mid ah waxaanay meesha ka saareen tii Ilaahay iyo wanaagii Shacabka S/land , Xisbigii Siyaad Barre waxqabad buu ahaa laakiin Xisbiga Dahir Riyaale waa dulin dadka iyo dalka laastay, waxay Tafaha ku sitaan Dhagxaan ay qaarba meel qotomiyaan ilaa ay ku fashilmeen, waxaanay marayaan maanta Wasiir Cali Warancade yidhaah aynu Boqor ka dhigano Dahir Riyale sida Djibuoti ku socoto oo kale.

Siyaad Barre iyo Dahir waxay wadaagaan xadhiga Siyaasiyiinta waa iska mid , Cabudhinta Xuquuqda Saxaafada waa iskaga mid, Lunsiga hantida Qaranka waa iskaga mid , Laaluushka waa iskaga mid , Xadhiga Xaqdarada ah waa iskaga mid ama Riyaale ayaa badan , waxaa Dahir Riyaale u dheer Dhulkii hantida guud ahaa oo boob uu ku caseeyey , dhisme muu dhaafin, dhul muu dhaafin, wershedo muu dhaafin, wax alaale wuxuu dhaafay ma jirto, dilka aan loo meel deyeyn iyo xabada lala dhacayo shacabka waa iskaga mid.

Dahir Riyaale waxaa ka madax banaanaa oo keliya arimaha qabii’ilka iyo  dhex dhexaadintooda , Dahir Riyaale wuxuu maanta marayaa inuu faro maroojiyo arimihii reeraha oo shaqadii cuqaasha , Salaadiinta iyo guurtida uu isagu la wareego, waxyaabaha sii huriyey dhibaatadii Ceelbardaale ee keenay dilkan foosha xun waxaa u sabab ah Dahir Riyaale oo la wareegay shaqadii Guurtida isagoo waxkama jiraan ka dhigay go’aankii iyo Gudoonkii Ergadiii Ceelbardaale ay soo goysay una yeedhay odayaal iyo cuqaal oo yidhi taas waxba kama jiraan ee aniga I suga doorashada dabadeed.

Dahir Riyaale waxaan ku masaalay aayadan quraanka oo Ilaahay kaga  wara mayo noociisa iyo noocii macalinkiisa inkasta oo aanu Dahir lahayn awood uu ku kibro hadaanu is dabaqabana warkiisu ku badan doono saxaafada aduunka , Ilaahay wuxuu ku yidhi Quraakiisa Kariimka ah isagoo ka hadlaya belo oogayaasha is bida:- وَإِذَا تَوَلَّىٰ سَعَىٰ فِى ٱلۡأَرۡضِ لِيُفۡسِدَ فِيهَا وَيُهۡلِكَ ٱلۡحَرۡثَ وَٱلنَّسۡلَ‌ۗ وَٱللَّهُ لَا يُحِبُّ ٱلۡفَسَادَ (٢٠٥) وَإِذَا قِيلَ لَهُ ٱتَّقِ ٱللَّهَ أَخَذَتۡهُ ٱلۡعِزَّةُ بِٱلۡإِثۡمِ‌ۚ فَحَسۡبُهُ ۥ جَهَنَّمُ‌ۚ وَلَبِئۡسَ ٱلۡمِهَادُ

Aayadaas oo macneheedu yahay , dad baa hadii dhulka loo dhiibo ku  dhaqa aqa inay kharibaa, waxaanay baab’iyaan dad iyo duunyaba, hadii la  yidhaa hdo Ilaahay ka baqana waxaa qaada isla weyni iyo kibir.

Waa inta Dahir Riyaale ka muuqata , Isla weyni iyo Kibir, dalkii oo uu dad iyo duunyaba baabi’yey oo maanta macaluuli dhamaysay , dagaalo sokeeyo oo uu oogayo , hanti boob , Laaluush, Baddii oo uu ka xaraashay Shisheeye ilaa uu jasaa’irkii sida Sacaada Diin xaraashay, Dekedii uu xidhay si dadka baahiyi u layso isagoo u qaatay feker odhanaya ( The Hunger is solution ) si dadka gaajo iyo macaluuli u hakiso awoodooda una daboosho maankooda iyo  maska x dooda si aanay u muuqan awood la loolami kartaa dadkuna ugu  mashquu laan sidii ay u heli lahaayeen wax ay afka geliyaan oo uu sidii doonaba uga  ye eli lahaa .
 


Daahirow sidaad doonto waad ka yeeshay dadka iyo dalkan waase deyn kugu maqan una diyaar garow gudideeda.


 

 

 

Saeed Suleiman
Gudoomiyaha Jaaliyada
S/land ee Minnesota