MADAXWEYNE RIYAALE AYAA TACSI U DIRAY WASIIRKII HORE EE GANACSIGA MARXUN CISMAAN QAASIM QODAX

 



Madaxweynaha JSL. Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxaa u maanta dhambaal tacsi ya u diray Qoskii iyo qaraabadii u ka baxay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Cismaan Qaasim Qodax, oo xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa  isa ga oo Xanuusanaayey mudo labbo todoobaad ah.

Marxuum Cismaan Qaasim Qodax waxa uu ahaa nin kaalin fir-fircoon ka soo qaatay dib u dhiska iyo qaranimada Somaliland isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay dhawr  Was aaradood oo ay ka mid yihiin Wasaaradaha Caafimaadka iyo Ganacsiga.

Madaxweynaha JSL. waxa uu Ilahay uga baryey qosykii, qarabadii iyo shacbiga Somalil and-ba in u samir iyo iimaan ka siiyo marxuumkana janada ka waraabiyo.
 

 


ALAA MAHAD LEH

Af-hayeenka Madaxtooyadda
(Siciid Cadaani Mooge)