Madaxweyne Rayaale oo Murashaxiinta Xisbiyadda Mucaaridka ah ku Sifeeyey Inay Yihiin Rag Maan-gaab ah oo Caqligoodu Hooseeyo

 


 

“Waalidiinta waxaan leeyahay labana isku heli maysaan, inaad marka hore  carru urtiina doonta raac tidhaahdan, marka dambena halka ka baroortaan”
Md. Daahir Rayaale

Hargeysa (TNN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa  mu rashaxiinta xisbiyada mucaaridka ah ku sifeeyey inay yihiin rag maan-gaab ah oo caqligoodu hooseeyo, islaaamarkaana ku hadaaqa wax fadeexad iyo sharaf dhac ku ah Somaliland.

Md. Rayaale oo shalay waraysi siiyey laanta AF Soomaaliga idaacadda VOA-da, w axa uu kaga hadlay dilka taliyihii qaybta 12aad ee ciidammada qaranka Somaliland oo falal argagixiso lagu dilay isaga oo wakhtigaa ku sugnaa magaaladda  Laascaa nood ee gobolka Sool.

Waraysiga madaxweyne Rayaale oo faahfaahsanina waxa uu u dhacay sidan, isa ga oo marka hore ka jawaabaya su’aal la waydiiyey oo ahayd waxa uu rajaynayo sannadkan cusub ee 2010.

Jawaab: Horta waxaan rajaynayaa inay doorasho xor oo xalaal ahi inoo dhacdo, in nidnimada ummaddani sii jirto.

S: Sannadkaa 2009 mid noocee ah ayaad ku tilmaami kartaa inuu Somaliland u  ah aa?

J: Wallaahi sannad iska turunturo badan ayuu iska ahaa, laakiin Al-xamdulillaah haddaanu ka soo gudubnay, adduunka nagu hareeraysan dhibaatooyin badan ayaa ka dhaca, waxaan odhan karaa annagaa ugu dhib yarayn waxyaabo badani ha iska jiraane, waxaan Illaahay ka rajaynaa in aannu muran dambe oo siyaasi ah nagu soo celin.

S: Ma kula tahay in sannadkan 2009-ka in lagaga xasuusan karo sannadkii ay  doo rashadu dhowrka jeer dib u dhacday?

J: Waa run taasi been maaha, laakiin maxaa dib u dhacay baa taal, nidaam  diiwaa ngelin la yidhaa oo cusub ayaanu qaadanay, waxaanna ka soo baxay khaladaad, taas oo sabab u ahaayeen dad ku noqnoqday, kaantaroolkii qolooyinkii  maamula yey oo xumaaday iyo qayb ay lahaayeen beesha caalamku, laakiin siday rag  bad an u sheegaan maaha oo dawladdu dib iskaga dhigaysay maahee, haddaan  door asho dib u dhigayo markii u horreysay ayaan u dhigi lahaa. Wararkay ku badan tahay Madaxweynahaa dib-u-dhigay, dawladda qaban wayday, xaqaa’iqse way ka fog yihiin wararkaas.

S: Madaxweyne, inkasta oo khuburo gacanta ku hayaan serverka, haddana tuhun weyn ka qaba inay taasi siday wax ku soo bixi kara, arrintaasi siday kuula  muuq ataa?

J: Horta in aynu wax wanaagsan rajayno ayaa fiican oo anigu waxaan ahay dadka waxa fiican rajeeya, wax ugu wanaagsan oo doorasho lagu galaana inuu ka soo baxo ayaan rajaynayaa, qolada khubarada ee noo sameynaysa waxaan ka  raja ynayaa, adduunku inta badan waxa uu sheegaa inay doorasho one man vote dhacdo, farsamo ahaan iyagaa gacanta ku haya, si ay natiijada ay soo saaranna u noqoto mid sax ah oo lagu dagaal gali karo.

S; Inkasta oo natiijada ku dhawaaqista u taallo Komishanka Doorashooyinka, haddana hadday taada noqoto, waqtigee baad jeclaan lahayd inay qabsoonto?

J: Diyaar uma ihi, maadaama Komishanka sharcigu siinayo, laakiin waqtiga ugu hor reeyo ee suurtogalka ah inay ku dhacdo ayaan rajaynayaa.

S: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo toddobaadkan horraantiisii aannu waraysaynay waxa uu ku tilmaamay halista ka imanaysa  uru rrada Al-shabaab iyo Al-qaacida aanay ku koobnaan doonin, haddii ay ku  guule ystaan Soomaaliya, oo Puntland waxa ka dhacaya bilow u yihiin oo Somaliland uu sheegay inay ku soo fool leeyihiin, werwer intee le’eg ayaad ka qabtaa, maadaa ma ay idin ku dhaceen weeraro 2008-dii aakhirkiisii?

J: Horta madaxtooyadaydii baa la isku qarxiyey, annagana wax nagu cusub  maa ha warkaa uu Cabdillaahi sheegay, waxayna bilaabtay 2003-dii, macallimiin, dhak haatiir iyo hay’ado ayaa lagu dilay oo dad badan ayaa u xidhan, dad xukun ku  ri day Somaliland ayaa jirtay, annaguna ma moogin argagixisada, mid meel qudha fadhida maaha, waa dad bani’aadamnida la dagaalamaya weeyaan, annaga iyo shacabkayaguna dhinac baan uga soo wada jeednaa, wixii dhacana wixii aannu kaga jawaabayno ayaanu kaga jawaabi.

S: Wixii ka dhacayey degaanka Sool qolyaha Somaliland ka soo horjeedaa ee  deg madaas u dhashay, waxay sheegaan in aanay argagixi ahayn ee ay muracadad tahay ay idin kala soo horjeedaan?

J: Waxba kama jiraan, waa argagixiso, ninka dadka miino u dhigayaa nin wax ka soo horjeeda maahin, argagixisana waa argagixiso oo adduunka oo dhan ayaa laga yaqaan.

S: Gobolka Sool waxay mucaaradku idinku dhaliilaan dilkii taliyaha qaybta 12aad oo ay lahaayeen dadkii loo qabqabtay maxkamad lama keenin, taa maxaad nagaga biirin karaysaa?

J: Hortaa nimankaa mucaaradku waa niman maan-gaab ah ku fikiraaya, caqligoo da ayaa aad u hooseeya, iyada oo qaran la marayo ayey qabiil ku soo dhacayaa, ceeb bay ku tahay Somaliland in nin Madaxweyne u tartamayaa inuu waxa ku  had aaqo, waa wax fadeexad ah Somaliland, markaa ma garanayo beri ma waxa uu Madaxweyne u noqonayaa qaranka, mise jin buu xukumayaa, dawladduna way baadhaysaa ilaa iminka waxa socota baadhistii ciddii sarkaalkaas dishay. Qaraxii madaxtooyada ilaa iminka ayuu socdaa baadhistiisii, xukuumadduna mar kastaba u naxariisan mayso, maaha mar markaaba la sheegayo, qaran baana u hiilin  doo na, ninka mucaarad ah ee waxa ku hadlayaana waa nin bilaa barnaamij ah oo xaafadda godeedaha ku soo noqonaya oo ilaa qoobkii ku soo noqonaya.

S: Muranka ka taagan Golaha Guurtida oo xubno ka tirsani kugu eedeynayeen  xu kuumadda, khaasatan adiga aad doonaysaan inaad minjo-xaabisaan  Guddoomiy aha Golaha Guurtida, tallaabooyinkaa intee in le’eg ayey xukuumaddu ku  leeda hay?

J: Adeerow anigu waxa uma hayo, dad badan oo afmiinsaariin ah oo waxay  doon aan iskaga hadla ayaa jira, amma Golaha ha ku jiraan amma suuqa ha joogaane, Golahaas hawl minjo-xaabin ah iyo hawl weyn oo ka socota ma ogi, laakiin qaar qayl-qaylyayey oo lahaa Golahayagu wuu kharaabay tv-yada waan ka  daawanay ey, waxaan Illaahay ka barinana wadwada oo waxay doonan iska yidhaa, kalfad higoodii baan ka socda iyagaana u madaxbannaan, gudahooda ayey isnaqdiyaan oo dooddaan, Saleebaanna wax colaad ah oo naga dhexeysaa ma jirto, wadasha qayntu arrin aannu doorayno maahee waa arrin waajib ah.

S: Sannadkan dhammaaday waxa lagu xasuustaa inuu noqday sannad ay  dhalli nyaro aad u badani ka hayaameen Somaliland oo weliba soctaa qaarkood  badda ha ku naf waayeen, qaarkoodna ku silcayaan meelahaa, maxaa tallaabo ah ee ugu muhiimsan ee laga qaadi lahaa?

J: Horta dadka tahriibka waan ka hadlay, Somaliland maalinba maalinta ka  dambe ysa ayey ka nolol fiican tahay, dadka inta badan tagaa waa dad lacag haysta oo dadkoodu direen, waxaan ku waaninayaa uma baahnin

 

ahriibe dalkan mustaqbal wanaagsan baa u soo socda, waalidiinta waxaan leeyahay carruurtiina ha dirina, ha ku lugaynina baddaha, labana isku heli maysaan, inaad marka hore doonta raac tidhaahdan, marka dambena halka ka baroortaan.



Source: Jamhuuriya Online