Madaxweyne Rayaale oo
Garabadda KULMIYE ugu Baaqay inay Hoos u
Heshiiyaan
“Faransiiska in
aannu wax kala iibsano waa daruuri, laakiin maalin qudha waxba
laguma kala iibsado”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin,
ayaa markii u horreysay tilmaamay inuu ka xun yahay khilaafka soo
kala dhexgalay masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE,
sidaasi darteedna waxa uu ugu baaqay inay heshiisaan, isla markaana
hoos u dhammaystaan arrimahooda.
Madaxweynaha iyo wefdigii uu hoggaaminayay oo muddo socdaalka ku
marayay dalalka Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa shalay
gelinkii dambe dalka dib ugu soo laabtay, isla markaana waxa
garoonka diyaaradaha ee Cigaal International ku soo dhaweeyay
masuuliyiin uu ka mid yahay, Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Axmed Yuusuf
Yaasiin, Xildhibaano, Wasiirro iyo dadweyne aad u tiro badan oo ku
soo dhaweeyay Madaxweynaha caleemo qoyan, iyaga oo dadku tubnaa
Madaarka ilaa Madaxtooyada sacab ku soo dhaweeyay.
Madaxweynaha oo saxaafadda Qasriga Madaxtooyada kula hadlayey, ayaa
ugu horeyn uga xogwarramay ujeeddada safarkiisa, waxaannu hadalkiisa
ku bilaabay; “Safarkayagii ugu horreeyey waxaannu ku tagnay dalka
Faransiiska, halkaas oo aan kula kulmay lataliyaha Madaxweynaha iyo
madaxa u qaabilsan arrimaha Afrika iyo Indian Ocean ee Wasaaradda
Arrimaha Dibedda iyo masuuliyiin ka tirsan Golaha Senate-ka oo aannu
ka wadahadalnay xaaladda mandaqada iyo sidii aannu qaddiyadda
Somaliland uga dhaadhicn lahayn iyo sida Faransiisku gacan uga
geysan karo horumarka aannu samaynay, waxaananu isleenahay
wadahadalkaasi waxa uu ahaa mid midho dhal leh, horena xafiis ayaanu
halkaa uga furanay markii ay dawladda Faransiisku noo oggolaatay.
Markaa Faransiisku waxa uu ballanqaaday inay gacan ka geystaan sidii
wax la inoo tari lahaa.
Jarmalka haddii aan ka warramo waxaan u imid caafimaad oo waqti hore
ilka la iigu sameeyey, dhakhtarkii ayaan soo maray, taasina si
fiican ayey iigu soo dhammaatay, taa markaan ka gudbo Ingiriiska
ayaan hawl muhiim ah u tagay, oo waatan baddii cakiran ee
budhcad-badeedku ku badatay, markaa caalamka dhibaatada ka jirta in
maraakiibtii Soomaaliya lama tagi karo, oo marinkii la inoo
soomarayey xidhmo, taasna hay’adaha ku shaqada leh waannu ka
wadahadalnay in innaga [Somaliland] iyo Soomaaliyada kale laba la
inoo kala arko. Waxa kale oo aannu ka kulanay kuwa caymiska kordhiya,
natiijaduna waxay noqotay inay laba inoola kala macaamilaan.
Itoobiya shalay subaxii [dorraad] baannu soo gaadhnay, xalay baananu
la kulanay Wasiiro-dawlaha Arrimaha Dibedda, waayo
Ra’iisal-wasaarihii waxay ku maqnaayeen Qaramada Midoobay, iyagana
waannu iska warraysanay xaaladda, laakiin waxa laga yaabaa in aan
safar labaad ku noqdo.
Warbixintaa kadib su’aalihii lagu waydiiyey shirkaa jaraa’id
Madaxweynaha, waxay u dhaceen sidan:
Su’aal: Dagaalka caalamiga ah ee lagula jiro argagixisa kaalinta
weyn ayey Somaliland ka qaataday, waxaanay ku darsatay tii
budhcad-badeed oo qaar badan oo ay qabtay way xukuntay, haddaba
waxay kala beddelataaye ee siyaasiyin dhaqaale ahaan iyo difaac
ahaan maxaa faa’iido ah ee Somaliland ka soo galay?
Jawaab: Horta adduunka aynu ku nool nahay waxyaabo badan siyaabaha
aynu u haysano uma jiraan, wax badan oo aynu innagu qabsano waxba la
innnagu siin mayo, laakiin waa lagama maarmaan in aynu abuurno dano
dadkaa innaga dhexeyn kara oo aynu wax wada qabsan, haddii aynu
qaybteena budhcad-badeeda la dagaalanana waxay tahay waxyaabaha
danaha inoo abuuraya, runtiin Faraans oo aan odhan karo way ugu
geesisan yihiin oo iyagaaba budhcad-badeeda la dagaalamayna waxa
innooga iman doono wufuud mustaqbalka, markaa danahaasi way socdaan
oo marka laguu baahda ayaana la ogaanayaa.
S: Waxa jira warar soo noqnoqanaya oo ku saabsan in waqtiyadan dambe
Wasaaradda Khaarajigu ay u badan tahay wasiirka oo kaliya, oo
xafiisyadii wakiilladu aanay sidii hore ahayn, miyaad la dhacsan
tahay iminka shaqada Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Wasiirka?
J: Haa, Wasiirku waa ku filan yahay shaqadiisa baan aaminsanahay,
baalyo weyn oo ka jirtaa ma jirto.
S: Intii aad maqnayd waxa la shaaciyey in Madaxweynaha Kenya uu
martiqaad kuu fidiyey, ma tagaysaa, goormaad tagaysaa?
J: Markuu si ramsi ah iigu soo diro ayaan tagi doonaa, horenaba
waannu u tagnay.
S: Madaxweyne waxa jira in safarada adiga iyo wasiirradaadu aad ugu
jirtaan qaddiyadda ictiraaf-raadintu ay inta badan u badan yihiin
waddamada Yurub iyo waqooyiga Ameerika, kuwaas oo iyaguna
qaddiyadeena u soo riixa dhinaca Midowga Afrika, markaa miyaan la
odhan karin siyaasadii ictiraaf-raadintu waxay ku foof-daran
habowsan tahay Yurub iyo Ameerika, oo haddii xagga Afrika xoogga
saartaan midho dhal baa laga gaadhi lahaa?
J: Horta marka u horreysa Afrikana maanu dayacin ee ilaa bari iyo
galbeedka Afrikaba anigaa socday oo albaabadeeda waannu garaacaynay,
waxaanna laga yaabaa in Wasiirka Arrimaha Dibeddu tago dalka Afrika
ka mid ah oo iminka ka hor dhici mayo, markaa innaga waxa la inna
saaray in aynu albaabada garaacno Afrika, Yurub iyo Ameerika.
S: Madaxweyne waxa jirta hawlgallo uu Faransiisku ku qaaday budhcad
badeeda inuu adeegsaday Dekedda Berbera, markaa waxaynu
dhaafsiisanay ee faa’ido dalka u ah hawlgallada uu Faransiisku
ciideena ka fuliyey?
J: Faransiiska in aannu wax kala iibsano waa daruuri, laakiin maalin
qudha waxba laguma kala iibsado, haddaad maalin iyo laba aad adigu
gacan geysato way iska iman doonaan, markaa waxaan leeyahay yeynaan
degdegin.
S: Saxaafaddu waxay warisay in soo noqodkaaga aad ka degi doonto
magaalada Burco, dad badanina waxa laga yaabaa inay kaa sugayeen,
maxaa ka jira arrintaa?
J: Horta warkaa waxaan u malaynayaa keenii yaraa ee aynu ku dari
jirnay, laakiin Burco maalin baan ka degi doonaa oo waa
magaalooyinkii dalka.
S: Waxaad tahay Madaxweynihii dalka, gaar ahaana Guddoomiyihii
xisbiga UDUB, waxa jira khilaaf soo kala dhexgalay xisbiga loollanka
aad ku wada jirtaan ee KULMIYE, markaa siyaasad ahaan sideed u
aragtaa?
J: Anigu waxaan kula talin lahaa xisbi kastaa sharci buu leeyahay,
ee inay waxooga hoos u dhammaystaan, inay is khilaafaana waan ka
xumahay oo waxaan jeclahay inay heshiiyaan.
Jamhuuriya Online
|