Madaxweyne Rayaale oo galabta socdaal ugu baxay magaalada Berbera

 

Waxa goor dhawayd soo gaadhay magaalada Berbera wafti uu  hogaa minaayo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Daahir Ray aale Kaahin socdaalkaasi madaxweynaha oo ay ku weheliyaan  wasiir ada arimaha gudaha iyo xanaanada xoolaha ayaa, madaxweynaha iyo waftigiisa oo isla galabta ka soo kicitimay magaalada Hargaysa waxa si balaadhan loogu soo dhaweeyay dhamaan inta u dhaxaysa magaaloo yinka Hargaysa iyo Berbera meelihii sida cajiibka ahayd  madax  weyna ha iyo waftigiisba loogu soo dhaweeyay waxa ka mid ahayd tuulada abdaal oo dhamaan dadweynaha agaasi degani ay madaxweynaha oo ku yara hakaday ay ku soo dhaweeyeen caleemo qoyon, dadkaasi oo luxaayay calanka Somaliland isla markaasna ay dumarku mushxarad ooda kaga qaadeen markii ay yiqiinsadeen in meesha uu maraayo madaxweynahii Somaliland.

Waftiga madaxweynaha oo soo galay magaalada Berbera qadar yar ka hor waxa magaalada Berbera madaxweynaha loogu soo dhaweeyay si aan hore loo arag, taasi oo gabi ahaanba ayna magaaladu galabta u kala hadhin soo dhawaynta madaxweynaha, magaalada Berbera ayaa hada ah magaalo kor u soo kacaysa oo ay danynayaan gancsato  caal ami ahi iyada oo isticmaalka dekada Berberana uu xiliyadii ugu  danba ysay uu kor u soo kacaayo.

Bishii hore ayuunbay ahayd markii wasiirka duulista iyo hawada oo ku sugnaa magaalada Berbera uu saxaafada u sheegay in ay magaalada Berbera ka dhigayaan magaalo caalami ah, taasi oo ay donayaan in madaarka Berbera ay doonayaan in ay ka dhigaan madaar caalami ah oo ay xiisaynayaan shirkado shisheeye ahi oo ku soo dega, sida diya arada Itoobiya Airline, dhanka kalena isticmaalka dekada Berbera ee ay Itoobiyo isticmaalayso ee ay wax kala soo degayso ayaa la filayaa in uu kordho, sidoo kale hay'adaha caalamiga ee UN-ta ayaa iyana wax kala soo degaaya sida lagu wado.

Ilaa hada ma cada socdaalka rasmiga ah ee madaxweynahu lakiin waxii warar ah ee ka soo baxa ama kordha waanu idinla soo socdsiin doonaa
 

 

Qarannews