Madaxweyne Rayaale iyo
Wefdigiisii oo Maanta Soo Gaadhay Dalka
Jarmalka
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wefidigii
uu hogaaminayay ee socdaalka ku marayay Dalalka Faransiiska iyo
Jarmalka , ayaa maanta soo gaadhay Caasimada dalka Jarmalka ee
Berlin.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxa garoonka diyaaradaha ee dalka
Jarmalka ku soo dhaweeyay saraakiil sare oo ka socotay Wasaarada
arrimaha Dibada iyo Xukuumada Jarmalka iyo jaaliyada reer Somaliland
ee dalkaasi .
Madaxweynaha iyo Wefdigiisu waxa ay maantaba guda galeen kulamadii
ay la yeelanayeen Xukuumada Jarmalka .
Wefdiga Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa ka
mid ahaa Marwada Koowaad Marwo Huda Barkhad Aadan , Wasiirka
Maaliyada Mudane Xuseen Cali Ducaale iyo xoghayaha gaarka ah ee
Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Ciise.
Xusseen Cali Ducaale
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ahna
Af-hayeenka Weftiga Madaxweynaha JSL, Berlin, Germany
|