Madaxweyne Rayaale iyo Wefdigiisii oo Booq day Jaamacada Burco iyo Cisbitaalka

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaa hin oo weli ku guda jira socdaalkii kormeerka ahaa ee ay ku marayeen magaaladda Burco , Caasimada Gobolka Togdheer, waxa ay maanta booqdeen cisbitaalka guud ee Magaalada.

Madaxweynaha iyo Wefdigiisu waxa ay saaka soo booqdeen Waadhadh ka kala duwan ee cisbitaalka oo ay ka mid yihiin Waadhka Caruurta iyo ka haweenkaba, waxa dabadeedna Madaxweynuhu u warbixino ka dhaga ystay maamulka Cisbitaalka guud oo si qoto dheer u qaadaa dhigay hee rka Cisbitaalka wixii u qabsoomay, waxa ay hiigsanayaan Mustaqbalka iyo meelaha ay uga baahan yihiin Xukuumada, gaar ahaan Wasaarada caafimaadku in ay ka taakulayso.

Madaxweynuhu waxa uu saaka ku dhawaaqay deeq ka kooban in xoolo loo qalo qaybayaka cisbitaalka guud, Ka TB-da , Ka Dadka Maskaxda ka jiran iyo Maxaabiista Jeelkaba.

Waxa kale oo maanta Madaxweynuhu kulan la yeeshay Wufuud ka tirsan Madaxda Gobolka Togdheer oo ay ka mid yihiin Madax dhaqameedyada, Odayaasha, Culimada iyo Waxgaradka, kuwaasi oo iyana ka war bixiyay baahiyaha deg dega ah ee gobolka Togdheer, kuwaas oo ay ugu weyn yihiin baahida Biyaha , Bedelaada Lacagta Giimbaarta, Jeelka iyo Wadooyinka

Isla Maanta Galabnimadii, waxa uu Madaxweynuhu ka qayb galay shir balaadhan oo lagu qabtay Jaamacadda Magaalada Burco, shirkaasi oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tiro badan oo isugu jira Waxgaradka Gobolka, Ardayda Jaamacada iyo dadweyne kale oo isugu jira Ragg iyo Haweenba.

Shirkaasi waxa si guud uga waramay Gudoomiyaha Jaamacadda heerka ay maanta marayso iyo sidii ay ku bilaabantay iyo dufcadaha Ardayda inta ka qalin jabisay iyo inta hadda dhigataba.

Wasiirka Waxbarashada Mudane Xasan X. Maxamuud Gadhweyne, oo isna halkaasi hadal soo dhawayn ah shirka ka jeediyay, waxa uu guud maray heerka ay maanta marayaan Jaamacaddaha dalka ee ka jira oo ay ugu horeysay Jaamacadda Camuud, Jaamacadda Hargeysa iyo Jaamacadda Burco oo hadda shan sano jirtay, isaga oo taa ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay Jamhuuriyadda Somaliland, wax weyna ka tari doonta mustaqbalka iyo aayaha danbe ee dhalinyaradeena.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ugu danbayntii hadal halkaasi uga jeediyay dadkii shirkaasi ka soo qayb galay , waxa uu ugu horeyntii ugu mahad naqay soo dhawaynta fiican ee isaga iyo wefdigiisaba ay ku soo dhaweeyeen dadweynaha reer Burco, waxana uu tilmaamay in Burco ay tahay hooyadii Somaliland, iyada oo ah halkii lagu aasaay gooni isu taaga Somaliland.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in ay maanta tahay wax lagu faano heerka Waxbarashadeenu ay gaadhay Berri iyo Galbeedba haddii ay noqon lahayd heer Dugsiyada Hoose Dhexe ilaa heer Jaamacadeed.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu kula taliyay Dhalinyarada reer Somaliland in ay dalkooda aaminaan, kana waantoobaan Tahriibta, iyada oo dalkani uu leeyahay Mustaqbal fiican oo aynu ilaahay ka rajaynayno in uu wakhti dhow inoo yimaado.

Ugu danbayntiina, waxa Gudoomiyaha Jaamacadda Burco uu Madaxweynaha gudoonsiiyay Shahaado sharaf, isagoo sheegay in uu u suurta galiyay gacana ka gaystay aasaasidii Jaamacada Burco.

 


Alla Mahad leh
Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland