Madaxweyne Rayaale iyo Wefdigiisii oo Si Heer Sare ah loogu soo dhaweeyay Hargeysa

 


Wefdigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , ayaa galabta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalo Madaxda Somaliland ee Hargeysa.

Waxa Madaarka Cigaal international ku soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo Wefdigiisa Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiiro, Xildhibaano Guurtida iyo Wakiilada , Marti sharaf kale iyo dadweyne aad u tiro badan.

Intaasi ka dib waxa Madaxweynaha iyo wefdigiisa loo galbiyay dhinaca Madaxtooyada, waxana galbiyay baabuur aad u tiro badan, waxana dadweynuhu ay ku soo dhaweeyeen caleemo qoyan, iyaga oo tubnaa Madaarka ilaa Madaxtooyada, waxana Madaxweynuhu shir jaraa’id ku qabtay Qasriga Madaxtooyada

Somalilandnation