Madaxweyne Rayaale iyo Wefdigiisii oo La Kulmay Raysal Wasaaraha Itoobiya

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey ee booqashada rasmiga ah ku joogay dalka Ingiiriiska ayaa shalay subax soo gaadhay Magaalo Madaxda Dalka Ethiopia ee Addis Ababa, halkaasi oo Madax sar sare oo ka socota Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Ethiopia ku soo dhaweeyeen weftiga Madaxweynaha JSL.

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa Saaka 10- subaxbimo huteelka uu deggan ku soo booqday, Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhiya Ethiopia, H.E. Norman Ling, iyo ku xiggeenkiisa Mr. John Marshal iyagoo kullankaasi isaga waraystay arrimo farabadan oo ay ka mid ahaayeen danaha labad wadan ee Somaliland iyo Ingiriiska, isla markaana halkaasi isku waydaarsaday warbixino wax ku ool ah, Madaxweynuhu waxa uu safiirka uga waramay sidii wanaagsanayd ee isaga iyo weftigiisaba loogu soo dhaweeyay dalka Ingiriiska isla markaana uu uga mahadnaqay.

Isla maanta 03:00 Galabnimo waxa Madaxweynaha JSL, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigiisu kullan kula yeesheen Xafiiskiisa, Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ethiopia, Mudane, Meles Zenawi, kullankaasi oo ahaa mid labada hoggaamiye ay si kalgacaltooyo ku jirto ugu wada sheekaysteen, waxa ay si mug leh isaga xog waraysteen arrimaha Gobolka, kuwa Geeska Africa iyo ka labada dal ee Walaalaha, kullankaasi oo qaatay muddo dhan saacad, waxa uu ku soo gaba-gaboobay jawi aad u heer sarreeya oo walaaltinimo.

Kullamadaasi waxa Madaxweynaha ku wehelinayey, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Safiirka Somaliland ee Ethiopia, Mudane, Maxamed Xassan Nuuriye, iyo Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Ciise.
 

Allaa Mahad Leh


Axmed Maxamed Ciise
Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL