Madaxweyne Rayaale iyo wefdigiisii oo si weyn loogu soo dhaweeyay London

 

Waxa xalay markii ay saacada UK, ahayd 8:30'kii fiidnimo soo gaa dhay magaalada London waftigii uu hogaaminaayay Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa madaxweynaha iyo waftigiisa oo ka kooban Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale, xoghayaha khaaska ah ee madaxweynaha mudane Axmed M.Essa, iyo marwada madaxweynaha marwo Huda Barkhad.

Waxa Heathrow Airport ku qaabilay saraakiil sar sare oo ka socday wasaarada arimaha dibada ee UK, waxa sidoo kale iyana soo dhoweynta waftiga madaxweynaha ka qayb qaatay saraakiil ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee Somaliland oo ay ka mid yihiin Ambasadoor Dr Mohamed Aar, Safiirka Somaliland u fadhiya Ireland Mudane Cabdifataax Siciid Axmed iyo ku xigeenka safiirka Somaliland ee UK mudane Daahir Tukaale.

Waftiga madaxweynaha ayaa loo qaaday hotelkii loo sii qorsheeyay in uu ku dego oo ku yaala badhtamaha magaalada London.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa shalay (Doraad) waxa martiqaad u sameeyay madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaciil Cumar Geele iyada oo halkaasi madaxweynaha iyo waftigiisa lagu soo dhaweeyay laguna soo sagootiyay si sharaf iyo maamuusleh iyada oo labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland yihiin laba dal oo walaalo ah isla markaasina uu ka dhaxeeyo xidhiidh wanaagsani, oo maalinba maalinta ka danbaysa sii xoogaysanaya.

Somalilandnation