Madaxweyne Rayaale iyo Wefdigiisii oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Hargeysa

 


Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wefdigii uu hogaaminayay ee socdaalka ku marayay dalalka Faransiiska , Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa maanta gelinkii dambe dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxa garoonka diyaaradaha ee Cigaal International ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Md Axmed Yuusuf Yaasiin , Xildhibaano , Wasiiro iyo dadweyne aad u tiro badan oo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha caleemo qoyan , iyaga oo dadku tubnaa Madaarka ilaa Madaxtooyada sacab ku soo dhaweeyay.

Madaxweynaha oo saxaafada kula hadlay Qasriga Madaxtooyada, ayaa ugu horeyn ku bilaabay hadalkiisa “Run ahaantii safarkaygii ugu horeeyay waxa aanu ku tagnay dalka Faransiiska , galabtii aanu halkan ka baxnayba Transitt ayaanu ku ahayn Itoobiya saddex saacadood ayaanu joognay , subaxii ayaanu dalka Faransiiska ka degnay , Faransiiska waxa aanu kula kulanay la taliyaha Madaxweynaha Faransiiska ee arrimaha Africa oo muhiim ah oo aanay wadamada kale ee Yurub aanay lahayn oo nin awood gaar ah leh kula kulanay Madaxtooyada Faransiiska laftigeeda xafiis uun ka soo hor jeeda ka Madaxweynaha , run ahaantii waxa aanu iska waraysanay xaaladda Mandaqada iyo Faransiisku waxa uu inala qaban karo , runtii waxa aan u arkay kulankayagaasi Runtii Positive ayuu ahaa in ay wax inala qabtaan”.

Madaxweynuhu isaga oo sii wata hadalkiisa waxa kale oo uu yidhi “waxa kale oo aanu la kulanay ninka u qaabilsan Arrimaha Africa iyo Indian Ocean-ka, xafiis noocaa magaciisu yahay Wasaarada Khaarajiga ah , Dood dan baa ka wada galnay xaga budhcad badeeda bal Faransiisku muxuu inala qaban karaa , marka aan idiin soo ururiyo su’aalaha idinka ayaa I waydiin doonee , Runtii Faransiisku waxa uu ballan qaaday bal xaga dhaqaalaha horta maadaama uu AU-da Chairman ka yahay in ay gacan ka gaystaan sidii wax la inoo tari lahaa ee gacan la inooga siin lahaa , weliba waxyaabaha kale ee Faransiiska ku wada hadalnay bal in mushkilada ina haysata waxa weeyaan , had iyo jeer Somalia ayuunbaa la inagu Asoosiyeet gareeyaa oo dambiyada dhaca inagoo wixii aynu lahaynba iyaga la siiyay , dambiyada hadana Somaliya ayuunbaa la inagu wada qoraa, la inama kala saaro markaasi , taasi hoosbaanu kala hadalnay Faransiiska , wuuna ballan qaaday in labadeena gaar u kala qaado”.

Madaxweyne Rayaale isaga oo ka hadlaya safarkiisii uu ku tegay Dalka Jarmalka waxa uu yidhi “ laba maalmood aniga ayaa caafimaad u tegay Jarmalka , ka dibna waan ka gudbay , oo waxa aan tegay Ingiriiska , Ingiriiskana waxa aan u tegay hawl muhiim ah , waatan badii cakiran , ee ay budhcad badeedii ay ku badatay, waxa markaa caalamka dhibaatada ka jirta waxa weeyaan in maraakiibtii la yidhaahdo Soomaaliyaba lama tegi karo , IOM International Organization waanu la kulanay oo aanu kala hadalnay bal inaga iyo Koonfurta Somalia in laba la inoo kala arko , inta badan dadkani waa dad xafiisyo iska fadhiya, go’aamo UN-ta ka soo baxa ayaad moodaa in ay iska akhristaan , Somalia-na meel ay ku kala taalo inta badan aanay garanayn , tagistaa aanu tagnay waxa ay ahayd taasi , runtii in aynu laba kala nahay way cadaatay , in ay gaar inoola macaamilaana natiijadii way noqotay , dadyow badan oo uu ka mid yahay Wasiirka Khaarajigu Ireland ayuu tegay , dadyow kale oo qaddiyadeena ka hadlaya uu halkaasi kula kulmay way jirtay , Itoobiya shalay subaxii ayaanu soo gaadhnay , xalay ayaanu la kulanay Wasiirul dawlaha Khaarajiga , waayo Prime Minister-kii waxay ku maqnaayeen UN-ta, waxa laga yaabaa in aan mar dambe ku noqdo, iyagana runtii waanu iska waraysanay xaaladda, waxa laga yaabaa in aan anigu safar kale ugu noqdo”.

Intaa ka dib Weriyayaashu waxa ay waydiiyeen su’aalo Madaxweynaha , waana uu ka wada jawaabay dhamaan

SN