Madaxweyne Rayaale iyo
Wefdi uu Hogaaminayo oo u ambabaxay Dalka
France

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin
iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa galabta dalka ka amba baxay, iyaga oo
u sii jeeda dhinaca Dalka France.
Madaxweynaha waxa Madaarka Hargeysa ee Cigaal International ku sii
sagootiyay Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ,
Wasiiro, Shirgudoonka Guurtida, Mudanayaal iyo dadweyne kale oo aad
u tiro badan.
Madaxweynaha oo intii aanu ka dhoofin garoonka kula hadlay saxaafada
ayaa sheegay in uu casuumad ama ballan ka helay Dawlada Faransiiska,
waxana uu sheegay Madaxweynuhu in uu la kulmi doono madaxda sare ee
France.
Wefdiga Madaxweynaha waxa ka mid ahaa Marwada Koowaad Marwo Huda
Barkhad Aadan , Wasiirka Maaliyada Mudane Xuseen Cali Ducaale iyo
Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Ciise.
Source:SN




|