Madaxweyne Obama oo daafacay qorshaha
masjidka New York

 


 

Washigton-DC (TNN)-Madaxweyne Obama, waxa uu daafacay qoshaha muslimiinta maraykanku ay ku doonayaan inay masaajid weyn iyo xarun dhaqameed ka dhisaan degaanka Manhattan ee New York, meel u dhaw goobtii weerarradii 9/11 ee 2001, qorshaasi oo dhaliyey muran.

Madaxweynuhu, hadalkani waxa uu u jeediyey marti-sharaf ka socotey muslimiinta Maraykan, oo uu ugu yeedhay guriga cad, uguna sameeyey afur, bishan barakaysan ee Ramadaan.

Waana markii ugu horraysay ee ilaa haatan uu ka hadlo madaxweyne Obama arrintan murranka iyo khilaafku ay ka taagan yihiin ee dhismaha masaajidkani cusub ee degaanka Manhatan ee New York.

Waxanu madaxweynuhu xasuusiyey marti-sharaftaasi uu la hadlayey in muwaadiniin kasta oo Maraykan ahi ay xaq u leeyihiin inay dhistaan meelo ay ku cibaadaystaan.

Murankani waxa uu ka danbeeyey olole iyo cabasho weyn oo ka timid dad ka soo horjeeda dhismaha masaajidkaasi ee goobtaas.

Waxayna dadka olalahaasi wadaa ku doodaya in masajidku uu aad ugu dhaw yahay dhulka loo yaqaanno 'Ground Zero', oo ah buqcadihii ay ka taagnaan jireen daarihii loo yaqaanney 'Twin Towers' ee lagu burburiyey weerarradii argagixiso ee xagga cirka ee 9/11, sanaddii 2001, bubu rkaasi oo ay isla markaana ku dhinteen kumannaan qof.

Sidaasi awgeedna, waxay ku doodeen dadkaas in dhisme masjid oo halkaas laga qotomiyaa uu noqonayo mid xasaasi iyo xushmo-darro ah, oo kiciya dareena dadkii qaraabadoodu ku  dhimat ay weerarradaas.

Hasse ahaatee madaxweyne Obama waxa uu sheegay, in isaga oo fahamsan xasaasiyadda iyo dareenka ku xeeran arrintani, in haddana America ay tahay dal ay ka jirto xorriyadda diimaha iyo wax-caabudku, dalkana loo siman yahay, marka loo eego dadka ku dhaqan ee kala caqiidada ah

Ugu danbayntiina waxa uu uga digey dadweynaha Maraykanka, in aan la isku khaldin oo a kala saaro, kooxaha xagjirka ah ee al-Qaacida ka mid tahay, iyo dhinaca kale muslimiinya caadiga ah.

Source:VOA