Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Maanta Xadhiga Ka Jaray Iskuul Lagu Baranayo Caafimaadka Xoolaha

 


Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md.Axmed Yuusuf Yaasin ayaa maanta xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loo sameeyay Dugsiga barashada Culuunta Caafimaadka Xoolaha ee Sheikh Technical Veterinary School (STVS), kaasoo laga dhisay Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo iyo Wefti ka socday Hay’adda Tero Nova iyo Wadamo Afrikaan ah ayaa maanta Magaaladda Sheekh u tagay Furitaanka Dugsi cusub oo dhismihiisa Europian Union-ku ka hirgeliyay Sheekh, isla markaana lagu baran doono noocyada Caafimaadka Xoolaha oo isugu jira Hordo, Cunto, Fasalo iyo qaybo fara badan oo kale, kaasoo ah mid Dugsi Goboleed ay u siman yihiin Wadamada Afrika, hase ahaatee ay suuragal noqotay in Somaliland laga dhiso, ayaa munaasibad balaadhan oo furitaanka Dugsigan loo sameeyay oo ay ka qayb-galeen Masuuliyiin ka kala socday Xukuumadda Somaliland Eu-da, Hay’adda Tera Nova iyo wadamada ka tirsan Afrika.

Ugu horeyn Maayarka Degmada Sheekh ayaa Weftiyadan kala duwan ku soo dhaweeyay Degmadiisa, isla markaana waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in Degmadii uu Maamulkeeda hayay maanta laga furayo Dugsi Caafimaadka Xoolaha lagu baranayo oo heer caalami ah. Sidoo kale, waxa isaguna Weftigan ku soo dhaweeyay Sheekh Badhasaabka Gobolka Saaxil.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahin Cabdi oo baratakool ahaan Wasiirka ugu firfircoon ee uu Dugsigani khuseeyo ama Wasaaraddiisa hoos yimaaddo, ayaa munaasibadaa hadal uu ka jeediyay ugu mahad-naqay Wadamadii gacanta ka gaystay Maaliyadda iyo hirgelinta Dugsan Culuunta Caafimaadka Xoolaha. “Waxaan aad ugu mahad-naqayaa Dawladda Talyaaniga oo kharaskha ugu badan ee Iskuulkan ku baxay bixiyay, dawladda Dhanish-ka, Europian Union, Hay’adda Tera Nova iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay hirgelinta Iskuulkan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland.

Wasiirka Xannaanada Xooluhu waxa uu ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee uu Iskuulkani soo maray, sheegayna in caqabado badan oo laga soo horjeedaa ka horyimaadeen, balse maanta uu yahay mid lagu guulaystay in dalka laga hirgeliyo, isaga oo ah heer Caalami oo la aqoonsan yahay, isla markaana yahay Iskuul ay dadka Afrikaanka ahi u siman yihiin. Waxaanu intaa ku daray Wasiir Idiris oo uu sheegay in Iskuulkan oo aan dhisme lahayn ay ka qalin jabiyeen laba Dufcadood Caafimaadka Xoolaha, kuwaasoo ka kala yimi wadamada Afrika. Mr. Idiris Ibraahin Cabdi, waxa uu ku dooday in tirada Ardayda Somaliland ee ka qalinjabisay Iskuulkan, ay dhamaantood ka wada shaqaalaysiiyeen Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Somaliland, kuwaasoo uu ku tilmaamay dad aqoon ahaan si fiican u dhisan.

Sidoo kale, waxa isna halkaa ka hadlay Mr. Henry Wmwayi oo ah ku xigeenka u qaybsanaha Afrika u qaabilsan Hay’adda Tera Nova, waxaanu si qoto dheer uga waramay ujeedadii loo aasaasay Iskuulkan Caafimaadka Xoolaha, oo uu sheegay in la doonayo in uu noqdo Xarun Caafimaadka Xoolaha lagu barta oo Geeska Afrika oo dhan ka dhaxaysa, hase ahaatee ay Somaliland nasiib u yeelatay in laga dhiso Iskuulkan.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo isagu Xadhiga ka jaray Dugsigan ayaa u rejeeyay in Iskuulkani noqdo mid Mustaqbalka Jaamac isu beda, isla markaana Ummadda Geeska oo dhami ku soo hirato. Madaxweyne Ku-xigeenka oo hadal dheer Munaasibadii furitaanka Iskuulka ka jeediyay, ayaa waxa uu sheegay in Iskuulkani intii aan la hirgelin dhismihiisa uu lahaa cadaw badan oo ka soo horjeeda in Somaliland laga dhiso, hase ahaatee, aakhirataankii ay Somaliland ku guulaysatay in dalkeeda laga dhiso. Waxaanu si weyn ugu mahad-naqay cid kasta oo gacan ka gaysatay suurtagalnimada Iskuulkan Culuunta Xannaanada Xoolaha.

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu u soo jeediyay dadka reer Sheekh in ay Dhulka ku xeeran halka Iskuulka Sheikh Technical Veterinary School ka dhisan yahay ay u illaaliyaan agagaarka u dhaw, si uu mustaqbalka u noqdo Jaamac weyn oo heli karta Dhul ku xeeran oo dhismayaal laga dhiso. “Waa inaad dhulkan Shacabka ee ku xeeran Iskuulkan aad illaalisaan, si goordhaw Jaamac looga dhigi karo oo dhul dhismayaal laga hirgeliyo loo heli karo, Dabcan dhulka waa la degayaa, laakiin waa inaad Shacabka Sheekh ka illaalisaan in la dhisto.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu kormeer ku soo maray qaybaha kala duwan ee Iskuulkani ka kooban yahay oo ah Iskuul aad u casri ah, xaga Tignoolajiyada, Caharada, Laabka iyo qaybaha kale ee uu ka kooban yahay. Kuwaasoo qayb kasta Masuulka qaabilsani Madaxweyne Ku-xigeenka sharaxaad ka siinayay waaxda uu Iskuulka u qaabilsan yahay.

Source: Hadhwanaagnews