Madaxweyne ku-xigeenka iyo Beeshiisa oo la sheegay inay Saluugsan yihiin Digreetadii Madaxweyne Siilaanyo iyo Dareenada Boorame yaala

 



“Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu xidhay Telefoonadiisii gacanta tan iyo intii Digreetadu soo baxday…”

 


Hargeysa (TNN) xilka qaadistii, Isku-shaandhayntii iyo Magacaabistii uu doraad Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay Xukuumaddiisa ayaa la sheegayaa inay ka Cadhaysiisay Madaxweyne ku-xigeenkiisa C/r axmaan Saylici iyo dadweyne kale oo loogu balan qaaday inay ka mid noqonayaan xukuumadda oo ka soo jeeda Gobolkiisa.

Sida ay warar Xogogaal ah oo laga soo warinayo dad ka ag dhaw C/raxmaan Saylici sheegayaan wa xa uu ka xanaaqsan yahay Xubnaha ka soo jeeda Gobolka Awdal ee xilka laga qaaday ee ay ka mid yih iin Agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Macdanta iyo Biyaha iyo sidoo kale wasiirka wasaarada Ciyaaraha kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen Masuuliyiintii ka soo jeeday Gobolkiisa ee uu isagu keenay wakhtigii Xukuumadda la dhisayay.

Sidoo kale waxa la wadaaga cadhada la sheegay Madaxweyne ku-xigeenku inuu ka qaaday  Digreeta da Madaxweynaha Beelaha Gobolka Awdal oo u arka inaan waxba loo soo kordhin gaar ahaan Beeshii sa, halka beesha loo magacaabay wasiirka Dibu-dajintu u aragto inaanay ahayn wasaarad dhamystir an, taasoo ay ku sababaynayaan xilka qaadista Taliyaha Booliisku inaanay u dhigmayn waxa loogu be delay iyagoo ku doodaya in wasaarada dibu-dajinta ay tahay wasaarad qorshe ahaan xilkeedii uu dh amaaday.

Wararka u dhaw dhaw Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici ayaa sheegaya tan i yo intay soo baxday Digreetada Madaxweynuhu inuu Telefoonadiisii xidhay isla markaana ay isaga iyo wasiir ku-xigeenka wasaarada waxbarashadu isku af-dhaafeen iyadoo la sheegay Wasiir ku-xigeenka Waxbarashadu inuu ugu hanjabay inuu iscasili doono haddii aanu wax ka qaban arrintan oo ay dadka reer Awdal cabashadoodu culays badan ku hayso

Waxa kale oo uu warku intaa ku daray Beesha Madaxweyne ku-xigeenka xubnaha kaga jira Golayaas ha Baarlamaanka gaar ahaana kuwa Wakiiladda inay Telefoonadoodii iyana wada xidheen isla markaa na ay ku jiraan shirar Doceedyo ay ku lafa-gurayaan qaabkii ay u waajihi lahaayeen go’aanka Mada xweynaha

Ilaa hada wax war ah oo rasmi ahi kamuu soo bixin masuuliyiinta Awdal ee ka cadhaysan arrintan ha se yeeshee sida ay ku soo waramayaan dadweyne kala gedisan oo ka soo jeeda gobolkaasi waxa ka socda dhaqdhaqaaq lagu Saluugsan yahay Digreetada Madaxweynaha taasoo aan la garanayn waxay ku danbayn doonto hase yeeshee waxa ay isla dhex marayeen Gobol ahaan in aanay ka helin wixii ay ka filayeen, iyadoo arrintan ay cirka ku sii shareertay tabashooyin badan oo la sheegay inay gobolkaasi ka aloosan yihiin.

Sidoo kale wararka naga soo gaadhaya Gobolka Saaxil ayay ka taagan yihiin Saluug la mid ah ka Awd al, waxaana laga dareemayaa goobaha la isugu yimaado iyo Marfishyada cadho xoogan oo lagaga soo horjeedo Digreetada

 

Source:Waaheen