Madaxweyne ku-xigeen Sowtaan
ku Idhi
Waxaan aad uga xumahay in maanta
u aqbalo madaxweyne ku-xigeen Ahmed Yousuf in u noqdo gudoomiyaha
gudidda qabanqaabada shirka UDUB.
Waxa ay ka turjumeysaa ceebta lala doon dooneyey S/land oo si qaawan
loo soo bandhigey maanta iyo aqoon darrida isaga iyo Awriyaale ka
haysa nidaamka dimoqraadiyadda, inaadeer miyaanad macnaha dawladnimo
iyo xil heerkaas ah u bislaanin. Lama yaabeyo Riyaale oo
lataliyeyaal kuu soo qeyiley buu leeyahay, waa ragii odhan jirey u
dhamee meesha oo kashif, laakiin adigaa maanta tusey ummadii
heerkaaga garaadka siyaasiga ah.
Waxa maanta madax-weyne ku xigeen aad ka marag kacdey xantii ahayd,
waa nimaan dawladnimada waxba ka aqoon, sidee u ogolaataa magac
dilkan ah in aad noqoto guddi qabanqaabo, meel dunida ay ka dhacdey
xitaa diktaatoorada aduunka soo marey kamey dhicin oo dad kale ayey
ku shaqeysan jireen, ma adigii baa ciyaartii bisada iyo jiirka laguu
dheeley. Waxa beryo dhoweyd dadku kugu xamaneyeen, waxa u
isutaageyaa doorashada xisbiga, Riyaalena waa u maqley oo waxa
xigtey in ninkii la lahaa madaxweyne ayuu isu taageyaa, ayun baa la
yidhi ka shaqee soo dhoweynta martida shirka iyo goobta shirku ka
dhacaayo qurxinteeda, waar miyaanad ogeyn in aad tahay madaxweyne
ku-xigeen la soo doortey, oo lagaa filaayey in aad yeelato hanka aad
ku kasbaneysey ummaddan in aad madaxweyne u noqoto.
Waxaan beri kuu soo direy e-mail aad tidhi dadku wax ha igu soo
su'aalaan, waxaan ku soo su'aaley dadlkan dhowr sanadood baa laga
jaraayey lacag ilaacadeed (Radio) Radio baa la idiinku soo iibineyaa
taas oo sagaal boqol oo kun oo dollar lagu cunnay, waxa aad tahay
masuuliyadeeda mid u dhaartey, maxaad ummadda uga haysaan lacagtaas
dhowrka jeer la idiin gudbiyey dawlad ahaan? Iigamaad soo jawaabin,
ka dibna talo ayaan kugu soo celiyey aan ku leeyahay salaadaada
ansaxi oo kitaabkaaga ka doon xilka aad u dhaaratey iyo lacagtaas
maqan iyo tu kaloo badan.
Madaxweyne ku-xigeen miyaanad lahayn la taliyeyaal?
Waxaan kugula talineyaa in aad ku dhawaaqdo in aanad ahayn
gudoomiyahaas gudidda qabanqaabada oo aad dhakhso isuuga casisho,
waxaanad raacisaa in aad tahay murashax isu taageya jagada
madaxweynaha. Hadii aanad sidaas yeelin ku noqo tubtii aad haysey
intii aanad soo fuulin doonta siyaasadda, dadkana ha lugoynin.
Amina Hagi Mohamoud
amina_991@hotmail.com
|