Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Galabta Booqday axmed Siilaanyo
 

Hargaysa(LongliveSomaliland);-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo  a y weheliyaan Xoghayaha guud ee Xisbiga Udub Jaamac Yaasiin,Canpaign Managerka Cismaan Hind iyo Guddoomiyaha Guddid Siyaasda Cumar  Jaam ac ayaa galabta gurigiisa ku booqday Guddoomiyaha Xisbiga siyaasiga ah ee Kulmiye oo maanta ku dhaawacmay magaaladda Hargeysa

Madaxweyne ku xigeenka iyo xubnahaasi kale ee Udub waxa ay u  ducee yeen Siilaanyo,waxaanay Illaahay uga baryeen inuu u fududeeyo  dhaaw aca soo gaadhay iyagoo ku booriyay in ay garab taagan yihiin oo ay u qaban doonaan wax alliyaala wixii looga baahdo

Illaa hada wax war ah oo rasniya lagama soo saarin inta uu leeg yahay dhaawaca Guddoomiyaha soo gaadhay,waxaana illaa hada lagu jiraa baadhitaano lagu hubinayo,inkastoo wararka hordhaca ah ee ka soo baxaya baadhitaan Dhakhaatiirta Cisbitaalka Hargeysi ku sameeyeen ay ku sheegeen inuu Misigta dhaawac ka soo gaadhay.

 



Weriye Mustafe C/kariin Cali

Longlivesomaliland News Media
Hargaysa Office