Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Oo Kulan Lagaga Hadlayey Da rdar
Galinta Taakulaynta Abaaraha U Qabtay Guddida Qaran Ee Abaaraha iyo
Hay'adaha Caalamiga Ah
Hargeysa ( TNN) ;- Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland,
Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku simaha
madaxweynaha Qaranka ayaa maanta xarunta Mad axtooyada ku qabtay
kulan balaadhan oo laga hadlayey dardar galinta gurmadka abaaraha
dalka ka jira.
Kulankaasi oo ay ka qayb galeen dhinacyada kala ah, Guddida
taakulaynta abaaraha, Hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland ku sugan
oo ay horkacaysay hay’ada UNOCHA iyo daneeyayaal kale ayaa markii uu
dhamaaday waxa la shaaciyey qodobada laga wada hadlay.
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici oo
kulankaasi gudoominayey ayaa kulanka ka dib la hadlay Saxaafada
isaga oo shaaciyey in lays la qaatay in la mideeyo gurmadka
Xukuumadda iyo guddida abaaruhu ay wadaan iyo gurmada ah Hay;adaha
caalamiga ahi wadaan, isla markaan la samayn doono guddi wada jir ah
oo arintaaasi ka hawl gasha.
Mudane Saylici ayaa sidoo kalena meesha ka saaray in guddida
Abaaruhu aanay waxba qadan oo ay fadhiid noqdeen isaga oo
wararkaasina ku tilmaamay kuwo dayaacad ah oo aan waxba ka jirin
waxaanu yidhi " Maanta waxaanu kulan u qabanay dhamaan hay’adaha
caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka shaqeeya dalka Somaliland,
kuna hawlan gargaarka bani-aadamnimo iyo horum arinta, iyadoo
xaaladii abaaruhu ay ka sii darayaan runtii duruufo adagna uu dalku
sii galayo, wa xaanu isugu yeeedhnay dhamaan hay’adihii dalka joogay,
laba dhinac ayaanu ahayn, guddigii qar an ee taakulaynta abaaraha iyo
UNOCHA oo iyaduna midaysa hay’adaha gargaarka.”
Madaxweyne Ku xigeen Saylici ayaa yidhi " Ujeedada aanu maanta isugu
yeedhnay laba arrimood ayaa u muhiimsanaa, in aynu marka hore ogaano
ilaa hada wixii inoo qabsoomay, iyo cid waliba waxa ay qabatay, in
aynu warbixin kala helo, iyo mid labaad oo ahayd maadaama oo ay
xaaladi sii adkaatay in loo baahan yahay in iskaashi iyo wada-socod
la sameeyo oo aan is barbar yaac bada ni dhicin si dadkii baahnaa ee
biyo, cuno iyo caafimaad u baahan, si isku mid ah loo wada gaadho,
oo baahida si looga wada jawaabo. waxaanu ka wada tashanay sidii loo
loo midayn lahaa gurma dka, maanta wixii ka dambeeya in gurmadkii
heer qaran ee dawladdu masuulka ka ahayd, iyo gurmadkii ay hay’aduhu
bixinayeen in la mideeyo. Qaranku resource-ka (ilaha) uu hayaa waa
kan uu hantida dawlada la bixinayo, iyo kan dadka laga soo ururiyey
gudo iyo dibad-ba, labadaa ilood iyo wixii kale ee ka yimaada
dawladdaha aynu saaxiibka nahay ayuu hayaa, intaaba waxaanu rabaa in
meel kaliya lagu mideeyo, taa waanu isla qaadanay hay’adaha in la
sameeyo koox wada-jir ah oo hawshaasi gurmadka degdega ah iyo
xaaladahaasi sii xumaanaya ee degdeg ah si wada jir ah uga shaqeeya,
oo la gaadho gobolada dalka bari ilaa galbeed, haba la kala
darnaadee.”
Mudane, Cabdiraxmaan Saylici ayaa sidoo kalena intaasi ku daray "
Arinta labaad waxa weeye guddida taakulada abaaruhu way sanad
jirsadatay, waxa la abuuray sanadkii hore ee 2016kii bishii labaad,
oo hada laga sanad laga joogo, mudadaa la abuuray ilaa hada hawl
adag ayey gacanta ku haysay, waxa jirtay wakhti yar oo roob da’ay oo
la kala nastay, sanadkii hore hawshu galbeed ayey ahayd sanadkan
markii Gu’gii yaraaday waxa culayskii la saaray afarta gobol ee
bariga.”
Madaxweyne ku xigeenka JSL ayaa sidoo kalena sharaxay hawlaha loo
xilsaaray gudiga qaran ee taakulaynta abaaraha ee uu gudoomiyaha ka
yahay waxaanu yihi " Guddidu waxay ahayd inay laba arrimood qabato,
inay qaadhaan ururso oo dadka muxsiniinta ah ee ganacsatada ah, iyo
qurba-joogta ah-ba in abaabul dhaqaale ururineed la sameeyo, iyo
inay lacagtii qaranka lagu daro oo lagu gurmado, waxaad moodaa uun
in dacaayad uun layska sameeyo, maalinta la maqlo ee warbaahinta
laga arko hay’ad ama hebel ayaa bixiyey lacag konton kun oo doolar
ah, waxay warbaahintu ku ladhaan waxa guddigii taakulaynta abaaraha
loo dhiibay lacag kontan kun oo doolar ah iyadoo intii hore meel la
mariyey aan la garanaynin. waxa nasiib daro ah in dadka hadh iyo
habeen u heelan hawshaasi, ee culimo leh, ee ganacsato leh, ee
masuuliyiin dawladda ah leh ee dhibaatadaasi damqayso ee u heelan in
dhaleecayn uun ay dadkeena ka noqoto arrintaasi waa nasiib daro.
Waxaanu halkan ka sheegaynaa in mudadii u damayanays laga soo qaado
bishii kaw iyo tobonaad ilaa hada hawl badan la qabtay, raashin
badana la qaybiyey, mid laynagu caawiyey oo aynu gaadiidkii bixinay,
mid la innagu caawiyey oo gaadiidkiiba na socday iyo mid aynu innagu
iibinay, marka intaas laysku daro ilaa hada waxa la qaybiyey raashin
gaadhnaya Boqol iyo laba iyo kontan kun (152, 000) oo qoys, marka
aan lagu darin kunka iyo labada kun ee qoys raashinka gaadhaya ee
hay’adaha Islaamigu bixiyaan.”
Ku simaha Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kalena baaq u diray
dadweynaha gudo iyo dibada isaga oo ugu baaqay inay joogteeyaan
qaadhaanka gurmadka Abaaraha waxaanu yidhi " Waxaas oo dhan waa xil
dadkii loo igmaday saaran, habeen iyo dharaarna loo foogan yahay,
waxaan Ummadda reer Somaliland u sheegayaa in waxaasi oo jira in
hada wadanku balaahdan yahay meel aanay waxba gadhina la waayi
maayo, laakiin intii guddidu ay dadaalaysay waa la dadaalay, hawla
fari kama qodna, hay’adihiina dhaqaale daro ayaa haysa oo way soo
qaateen, oo waataa maqasheen oo lacag la’aani ay hayso, innaga
dhexdheena gudo iyo dibada waxa laynaga rabaa inaynu qaadhaankii
wadno, waayo xaaladii way sii adkaatay, ILAHAY kama dhigee hada
hadaan LAHAY roob inoo keenin waxa dhici karta in ummaddu ay
toolooyinka isa soo tubaan. Anniga oo ah madaxii guddida taakulaynta
abaaraha waxaan Ummadda reer Somaliland ugu baaqayaa in aan gurmadku
innaga joogsan gudo iyo dibadna oo qaadhaan ururintii la wado,
Annaguna waxaanu idinka balan qaadaynaa in waxaasi Ummadii loogu
talo galay iyo shacbigii baahnaa in uu gaadhayo, ayaanu hortiina ka
balan qaadaynaa, dadka muxsiniinta ahi in aanay ku jaah wareejin
guddidii intii horeba meel ay marisay lama hayo.”
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo
isaguna halkaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi " Madaxweyne ku
xigeenku isaga oo ah ku simaha Madaxweynaha Qaranka Somaliland isla
markaana ka damqanaya dhibaatada ina haysata, waxa uu ina faray in
aynu iclaamino salaad roob doon ah, maalinta Axada soo socota oo
bishu ay tahay 26/ February In aynu u soo baxno masaajiada iyo
goobaha lagu tukan jiray salaadaha, oo aynu ILAHAY barino, oo aynu
ILAHAY u koobadkeeno.”
Wa-Bilaahi Tawfiiq |