Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi Ka Socda Dawlada Norway
 


Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Isla markaana ah Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Wefdi ka socda Safaaradda Dawlada Norway ay ku leedahay Magaalada Nayroobi ee Kenya.

Wefdigaasi oo uu hogaaminayo Mr Espen Gullikstad oo ah ku xigeenka danjira dawlada Norway u fadhiya dalka Kenya, waxa ay socdaal gaaban ku yimaadeen Somaliland , si ay xog buuxda uga helaan xaaladda Somaliland, gaar ahaan Doorashooyinka ku soo fooda leh iyo halka ay marayso tabaabushaha iyo u diyaar garowga doorashooyinkaasi.

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu wefdiga u sheegay in u diyaar garowga doorashooyinku ay meel fiican marayso, isla markaana dawladiisa ay ka go’an tahay in ay doorashooyin xor oo xalaal ah ay dalka ka dhacaan wakhtiga Komishanka Doorashooyinku u cayintay oo ah 31-ka Bisha May 2009.

Waxa kale oo uu Madaxweyne ku xigeenku tilmaamay sababaha farsamo ee keenay in guddida doorashooyinku dib u riixaan wakhtigii hore ee loogu tallo galay doorashooyinka Madaxtooyadu in ay dhacdo.

Isaga oo hadalkiisa sii wata Madaxweyne ku xigeenku waxa uu yidhi “haddii ay jiraan waxyaabo mad-madow ah oo ka jira aragtida halganka siyaasadeed ee Asxaabta ka dhexeeya, waxa uu ku kalsoon yahay in lagu dhamayn doono wada hadal iyo is-afgarad sidii caadada u ahayd Somaliland, Xukuumada Somaliland waxa ay diyaar u tahay in ay dalka ka qabsoonto doorashooyin xor ah oo si nabad gelyo ah u dhaca, qof kasta oo muwaadin ahina Bari iyo Galbeedba uu si xor ah codkiisa u dhiibto”.

Mr Espen Gullikstad, oo isna hadal kooban halkaasi ka jeediyay , waxa uu sheegay in dawladiisu ku kalsoon tahay in Somaliland ay ka dhici doonaan doorashooyin xor ah oo si nabad gelyo ah u dhaca, sidii kuwii hore ee dalka ka qabsoomay, taas oo wax weyn ka tari doonta geedi socodka nidaamka dimuqraadiyada ee Somaliland iyo sumcada Somaliland ay ku leedahay caalamka intiisa kale.

Waxa kale oo uu sheegay in doorashooyinka dalka ku soo food leh oo wakhtiga loogu tallo galay ka qabsoomi doona ay tahay irido ay Somaliland ka gali doonto in adduunka intiisa kale uu tix-gelin gaar ah ku siiyo, isla markaana dalka Norway diyaar u yahay in uu gacan weyn ka siiyo Somaliland qabsoomida doorashada iyo Mashaariicda kale ee horumarinta ah ee dalku u baahan yahay.

Waxa kale oo shirka goob joog ka ahaa Haweenayda La yidhaahdo Rina Kristmoen oo ah qunsulka Safaarada Norway u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya iyo Wasiirul dawlaha Arrimaha Dibada Mudane Siciid Maxamed Nuur.

 



Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL