Madaxweyne Ku xigeenka Oo Shir Iskugu yeedhay Guddiga fulinta xisbiga KULMIYE



Hargeysa (TNN):- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa xubnaha Guddida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye ugu baaqay shir deg deg ah oo berri galinka dambe ka dhici doona gurigiisa magaaladda Hargeysa.

Qoraal Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland soo saaray oo caawa soo gaadhay, ayaa u dhignaa sidan:-

Ku: dhamaan xubnaha guddida fulinta Xisbiga Kulmiye
Waxa la Ogeysiinayaa dhammaan xubnaha Gudida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE in ay iskugu yimaadaan shir muhiim ah Guriga Madaxweyne ku xigeenka saddexda galabnimo ee Berri oo Isniin ah 06/01/2014.


Hogaanka Xisbiga Kulmiye

1. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland

2. Maxamed X Yuusuf Waabeeye Guddoomiye xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye

3. C/raxmaan Maxamed Talyanle Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga Kulmiye
 


C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici
ALLAA MAHAD LEH
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland. 05/01/2013