Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Borama U Tagay
Xal U Helida Mudaharaadkii Maanta Ka Dhacay
Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici
iyo wefti Wasiir ro iyo guurti isugu jira..........
Boorama (TNN) - Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan
Cabdilaahi Saylici iyo wefti Wasiirro iyo guurti isugu jira ayaa
galinkii dambe ee maanta u ambo-baxay Maga aladda Borama oo ay ka
dhaceen Mudaharaado.
Madaxwayne ku xigeenka iyo weftiga la socda ayaa halkaasi u tagay
sidii ay u damin laha ayeen Mudaharaadadaasi oo ay dhigayaan dad ka
cadhaysan dib u dhaca ku yimid maay ar u samaynta Magaaladda Saylac,
kuwaasi oo weliba xukuumadda ku eedeeyay inay fa ro-galisay doorasho
Maayar cusub loogu doortay Magaaladda Saylac ee xarunta Gobolka
Salal.
Madaxwayne ku xigeenka iyo masuuliyiinta kale ee la scoda oo la
filayo inay gaadhaan Magaaladda Saylac, ayaa caawa kulamo la
qaadanaya Madax-dhaqameedka reer Awdal ee ku doodaya inay xaq u
leeyihiin Maayarnimada Saylac oo dood adag ka taagan tahay, inkasta
oo Mudanayaasha Guurtida kala socda qaarkood yihiin kuwii Madaxwayne
Siilaan yo ka diiday qorshihii ahaa in beesha Awdal ka tanaasusho
Maayarnimada Saylac ee ay ku doodayaan.
Timacade News Desk
Boorama ,Somaliland
|