Madaxweyne ku-xigeenkii hore oo sheegay in Maxkamada Ciidamadu aanay lahayn qaadista Dacwada  eedeysanay aasha dilka Taliye Casayr,Racfaana loo qaadan doono Maxkamad Rayida

 



Hargeysa (TNN) :- Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka hadlay xukunkii dilka ah ee Maxkamada Ciidanku ku riday eedaysanayaashii loo haystay dil kii Taliyihii Booliska ee Gobolka Saaxil iyo mudaharaadadii lagaga soo hor jeeday xukunkaasi ee ka dhacay magaalooyinka Sheekh,Berbera Iyo Burco.

Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu shegay in xukunkan laga qaadan doono Anbiil, maadaama oo maxkamadu tahay tii ciidamada, dadka la xukumayna yihiin dad shacab ah oo u baahan maxk amada caadiga ah, waxaanu tilmaamay in labada reer ee dilku ka kala dhex dhacay ay yihiin laba reer oo walaalo ah oo cid iskaga dhaw aanay jirin, rajo weyna uu ka qabo inay arintan ka heshiiyaan.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo Wargeyska Geeska Af rika u waramaya ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashooyinka, arinta Saami qaybsiga kuraasta wakiilada,xidhiidhka ka soo cusboonaaday dalka Kenya, inqilaabkii fashilmay ee Turkiga iyo Saa maynta uu ku yeelan karo wada hadalada somaliland iyo somaliya waxaanu yidhi isagoo arima han ka hadlaya “Dadka mudaharaadayey waxay ka mudaharaadeen xukunka dilka ah ee Max kamada Ciidanku ku xukuntay eedaysanayaashii loo heystay dilkii ALLE ha u naxariiste Taliyihii Ciidanka Booliska ee gobolka Saaxil, kolay Raggani waa rayid oo ciidan maaha, waxayna u ba ahan yihiin Maxkamadda caadiga ah ee shacabka, dadka mudaharaadaydana waxaan leeyah ay waa xukunkii ugu horeeyey oo anbiil baa kolay laga qaadan doonaa oo Maxkamadda caadig a ah ayaa loo wareejin doonaa ee isa dajiya, waxaana run ah in labadan reer ee dhibtu kala gaadhay ay yihiin laba reer oo walaalo ah oo Oday ka soo wada jeeda oo cid iskugu xiga, wax walba waa laga heshiiyaa ee waxaan u soo jeedin lahaa oo aan kula talin lahaa inay arintan ka heshiiyaan”.

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko Doorashada iyo Saami qaybsiga kuraasta golaha w akiilada ayaa waxa uu yidhi”Doorashadu mar bay dib u dhacday oo muddo kordhin baa la same eyey, muran dheer kadib Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa go’aan ka soo saartay, waxay na cayintay wakhtiga ay Doorashadu qabsoomayso, waxaana la rajaynayaa in wakhtigaas loo cayimay inay Doorashadu ku qabsoonto, haddii aanay intaas dhicin waxyaabo sababi kara inay Doorashadu dib u dhaca ku yimaado sida Abaaro iyo wixii la mid ah ALLE inaguma keene, go’aanka Maxkamaddana cid wax ka bedeli kartaana ma jirto.

Dhinaca saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiiladu waa wax soo jiitamaayey oo ilaa hadda xal loo helin, waxa laga dhigay qodob Dastuuriya, laakiin waxa haboonayd in aan laga dhigin qod ob dastuuriya ee laga dhigo Xeer, waxaana haboonayd in lagu saleeyo Kuraasta Wakiilada hadba sida ay u korodho Bulshada reer Somaliland, gaar ahaan Gobolada, waxaanan ku rajo weynahay in dhinaca ugu wanaagsan laga galo arinta saami qaybsiga oo la isku afgarto”.

Dhinaca kale wuxuu Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu soo dhaweeyey xidhiidhka cusub ee somaliland iyo Kenya waxaanu yidhi “Wadanka Kenya waa Wadan balaadhan, aad iyo aadna waan u soo dhaweeynayaa inay sii xoojiso xidhiidhkii ka dhexeeyey Somaliland, waxaana ayaana daro u arkaa inay Dawladda Somaliya ka xumaato xidhiidhkaas”.

Dhanka kale Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu ka hadlay afganbigii fashilay ee Turkiga iyo samey nta uu ku yeelan karo arintii wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu xusay in hadda Turkigu ku mashquulsan yahay hawlihiisa iyo waxyaabaha ku soo kordhay, waxaanu yidhi “Ax med Yuusuf Yaasiin ayaa mar uu ka hadlaayey inqilaabki fashilmay ee Turkiga iyo sameynta uu ku yeelan karo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Turkiga afgmbi ayuu dirqi kaga badbaaday xaalad deg deg ah oo ku cusubna wuu galay, waxaana xaqiiqo ah inuu hakina yo hawlo badan oo uu faraha kula jiray si uu wax uga qabto inqilaabkii fashilmay ee kediska ku noqday, waxa run ah inuu hakinayo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya waxaanse anigu qabaa sida aan marar horena sheegay inaan Turkiga oo qudha oo lagu eegin arinta wada had alada ee laga qayb galiyo cid walba oo ay khusayso, haddii ay noqoto shantii somaaliyeed iyo haddii ay noqoto wadamadii gumaystay sida Ingiriiska, Talyaaniga iyo Faransiiska si laysku qanciyo.”



Source: Wargeyska Geeska Afrika