Madaxweyne Diida Inuu Doorasho Ku Tago, Xoog Ayuu Ku Tagaa

 

Taariikhda Afrika kuma cusba in madaxweyne ku yimid awood milatari ama doorasho uu isu bedalo kalitaliye daalim ah oo diida inuu kursiga kaga dego doorasho sharci ah oo u dhacda si nabadgelyo ah dabadeedna shacabku ku burburiyo gadood iyo xoog. Siyaad Barre, Mingistu Haile-Mariam, Idi Amin, Charles Taylor, Col. Abdullahi Yussuf iwm ayaa si fool-xun ugu burburay gacanta shucuubtooda waxaana ku dabajira maanta oo waqti dhaw taariikh-xumo dhaxlidoona kelitaliyayaasha kala ah: Daahir Riyaale, Ismaciil Cumar Geelle, Meles Zenawi iwm.

Daahir Riyaale isaga oo eedaysane ah ayaa la cafiyay dabadeedna laga dhigay madaxweyne iyada oo lagu gabbood-falay halyeeyadii dadka iyo dalka ka xorreeyay Talsikii Siyaad Barre ee dhiig-yacabka ahaa waxaanu ku fashilmay inuu fahmo nabsigelintaas weyn. Xukunka kelitalisnimada Daahir Riyaale kuma salaysna xukun-jacayl ee waxa uu ku salaysanyahay khiyaamo-qaran iyo qaran-dumisnimo. Marka la eego doorasho-diidnimada, shuruuc-ku-tumashada iyo dhaqaale burburinta, Daahir Riyaale waxa uu noqday abaalaawe, wacad-laawe iyo khaa`in wadan lid ku ah madaxbanaanida iyo aqoonsiga Somaliland nacayb uu u hayo Beelaha Dhexe ee Somaliland awgeed.

Todoba (7) sano Ayuu Daahir Riyaale fadhiyaa Xafiiska madaxweynaha (2003-2009) waxaanu xaq u lahaa shan (5) oo qudha. Muddo laba (2) sano ah ayaa marba wax loo kordhinayay sabab la`aan oo ummaddu intaas u samraysay una dulqaadanaysay oo lahayd bal maantana halloogu daro wax kaadi badane waa loo gogol-badiyaaye. Todobada (7) sanaba waxa uu burburinayay shuruucda iyo dhaqaalaha dalka waxaanu la dagaa llamayay madaxbanaanida iyo aqoonsiga Somaliland isaga oo  xidhiidh toos ah la leh madaxda Jabuuti iyo Somalia oo aad uga soo horjeedda  madax banaanida iyo aqoonsiga Somaliland. Dhammaan inta u adeegta ama taageerta xukunka Daahir Riyaale waxay kula jiraan khiyaamada qaranka taariikhda la burburidoonaa lana hoogidoona isaga. Markii Daahir Riyaale eryay Ururka Inter-Peace isla markaana laalay Diiwaangelintii Doorashada waxaa caddaatay in aanu oggolayn in wax doorasho ah dalka ka dhacdo. Haddii doorasho la diido, shacabku xaq ayuu u leeyahay inuu xoog ku bedalo Maamulka Daahir Riyaale si ay u badbaadiyaan qadiyadooda iyo madaxbanaanidooda..

Warbaahinta Somalia (Koonfurta) waxay aad ugu sacbisaa uguna  farax daa qalalaasaha siyaasadeed iyo khalkhalinta nabadgelyada ee Somaliland ka taagan oo ka dambeeyo Maamulka Daahir Riyaale, waxyaalaha ay ka qortana waxaa ka mid ah, “Madaxweyene Daahir Riyaale oo ciidamo laxaad leh ku weeraray Xarumaha Golayaasha Qaranka.”, “Madaxweyne Daahir Riyaale oo soo dhigay ciidaamo farabadan jidadka Magaalada Hargeysa.” Cadowga Somaliland waxay u arkaan Daahir Riyaale geesi Somaliyeed oo Somaliland ku soo celinkara Somalia, waxaanay ku sheekaystaan in sidii Siyaad Barre uu Daahir Riyaale Beelaha Dhexe ee Somaliland ku shubidoono Xarshin iyo Kaam Abokar haddii xukunkiisa ama ujeedooyinkiisa ka horyimaadaan. Waxaa halkaas ka cad in maanta Maamulka Daahir Riyaale ummadda Somaliland u wiiqayo cadowgeeda una soo jiiday ceeb aanay mutaysan oo mar cadowgu ku wiirsado marna ku farxo dhiibtada uu Daahir Riyaale ku hayo dalka.

Maanta Daahir Riyaale waxaa uu joogaa halkii Taliskii Siyaad Barre joogay sannadkii 1990. Dhammaadkii sannadkaas ayaa naflacaarinimo awgeed Siyaad Barre marba isku shaandhaynjiray golihiisii wasiirada, muddo yar kadibna waa kii shacabku afka ciidda u daray kana cararay Mogaadiisho January 26, 1991. Maanta arrintu ma taagna jagooyin la isku bedalo ee waxay taagantahay is-badbaadin. Maamulka dalka ka jira maanta waxa uu halis ku hayaa jiritaanka iyo nolosha ummadda Somaliland waana qaran-dumis ka soo horjeeda madaxbanaanida iyo aqoonsiga dalka taas oo ay caddaynayso doorasho-diidnimada Daahir Riyaale oo ku sifoobay khaa`in wadan cadow u ah madaxbanaanida iyo aqoonsiga Somaliland. Waxa keliya oo maanta Daahir Riyaale la tashadaa miciinna moodaa Meles Zenawi iyo Ismaciil Cumar Geelle oo kula tasha inuu xidh-xidho madaxda mucaaradka, si sir ah u laayo hal-doorka ummadda, weriyayaasha xidh-xidho,  saxaafa dda albaabada u laabo, rasaasna ku furo banaanbaxyada shacabka. Daahirow Meles Zenawi iyo Geelle kursiga kuguma haynkaraan si ay kelitalisnimadoodu u dugsato, tallaabo kasta oo khaldan oo aad qaadana waxay soo dedejinaysaa burburkaaga. Nin eedaysane ah oo la cafiyay, dabadeedna inta madaxweyne laga dhigay ku wacad-furay cafiskaas, noqdayna kelitaliye iyo khaa`in wadan meel ka xun tii Siyaad Baree ayaa taariikhda u dambanaysa.

Cadhada maanta ummaddu u hayso Maamulka Daahir Riyaale waa laba laab oo mar waxay ka soo horjeedaa kelitalisnimadiisa marna waxay ka soo horjeedaa khiyaamadiisa qaranka, taas oo marka ay qaraxdo si weyn cagta loo marindoono Daahir Riyaale iyo inta u adeegta. Maanta waxaa la gudboon Mucaaradka, Ciidamada Qalabka Sida, Dhallinyarada iyo Ummadda Somaliland guud ahaan inay degdeg dadkooda iyo dalkooda uga  badbaadi yaan dullinimada iyo kelitalisnimada qaran-dumisnimada ku salaysan ee Daahir Riyaale iyo kooxdiisa si ay u soo ceshato sharaftii ay ku lahayd Geeska Afrika isla markaana u badbaadiso qadiyadda, madaxbanaanida iyo aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Daahir Riyaale waa doorasho-diid khaa`in wadan ah markaas waa inuu ka tagaa xoog.

Xilligan kala guurka siyaasadeed, waxaa lagula talinayaa in saraakiishii SNM iyo saraakiisha sare ee mucaraadka (ciidan iyo rayidba) ay  samayst aan waardiye adag oo hubaysan si looga hortago shirqoolada naflacaariga ah ee Maamulka Daahir Riyaale maleegayo.


 

 

Ibrahim Hassan Gagale
Email: ibrahim_hg@yahoo.com
Taariikh: August 17, 2009