Madaxweyne Biixi oo aan weli qaabilin safiirka China iyo wefti uu wato oo saddex maalmood ku sugan Hargeysa

 


Hargeysa (TNN) :– Safiirka dalka China u fadhiya magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya danjire Qin Jian oo labadii maalmood ee u dambeeyay ku sugan magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ay aan weli la kulmin Madaxweyne Biixi.

Danjire Jian, oo hoggaaminaya diblomaasiyiin ka tirsan safaaradiisa Muqdisho ayaa Sabtidii socdaal ku yi mid magaalada Hargeysa, si uu dawladda Somaliland ugala hadlo xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Taiw an dhex maray oo uu safiirku si kulul u cambaareeyay.

Hase yeeshee danjire Jian ayaa saddex maalmood oo uu Hargeysa joogay aan weli la kulmin Madaxweyne Biixi, waxaana Safiirka qaabilay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, iyadoo uu wasiirka arrimaha dibaddu dalka ka maqan yahay.

Si rasmi ah looma garanayo sababta keentay in Safiirku arki kari waayo madaxweyne Biixi, laakiin waxa la dareensanyahay in dawladda China doonayso inay Somaliland weydiisato inay ka baxdo xidhiidhka cusub ee Taiwan.

Dawladda China ayaa si weyn uga hortimid, una cambaaraysay bilowga xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan oo gaadhay heerka ah inay wakiilo is weydaarsadaan. Wakiilka ay Taiwan u soo magacowday JSL ayaa ku sugan Hargeysa, iyadoo la filayo in wakiilka ay Somaliland magacowday uu isna dhawaan u ambo baxo Taiwan.

Hargeysa ayaa maalmahan noqotay caasimad marti gelisay laba diblomaasi oo kala socda China iyo Taiw an oo si weyn isu haya.
 

 



Xigasho: Geeska Afrika