Madaxweyne Axmed Siilaanyo Yaa Arkay?

 

 


Dad badan ayaa wadnaha farta kaga haya mustaqbalka xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo haddii aanu dhaqso....


Hargeysa (TNN) -Maalmihii u dambeeyay waxa ay bulshadu ku jaho-wareertay hadalo is burinaya oo ka soo yeedhayay wasiirada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo u muuqda inay banaanka soo dhigayaan khilaafaad ka dhex aloosan.

Hadalada iska hor imanaya ee bulshadu ku dawakhday oo aan ku cusbayn maamulka Madaxweyn e Axmed Maxamed Siilaanyo, waxay soo baxeen ka dib markii uu wasiirka arrimaha guduhu Ma xamed Nuur Caraale Duur, toddobaadkii hore u sheegay telefishanka HCTV, inay xukuumadoodu saamayn ku lahayd doorashadii dalka Somaliya. “

Raad waanu ku lahayn doorashadii, waayo waxaa jirta cid u cadaw ah Somaliland iyo cid wada hadalkii lala sii wadi karo, markaas xidhiidhka aan la lahayn waxa uu ahaa xidhiidh war isgaadhsii need, waliba aniga iyo xubno aan ku jiraa xidhiidhbaanu la lahayn war isgaadhsiineed, waxaanu ka taxadiraynay ciddii aanu wada hadalkii la sii wadi karno iyo cida aanan la sii wadi karin.” Sidaas ayuu yidhi wasiirku. Laakiin Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo isna u war amay wargeyska Jamhuuriya, ayaa yidhi “Annagu waxaan caddaynayaa in aanaan xukuumad ah aan wax saamayn ah ku lahayn doorashadii Muqdisho ee Madaxweynaha Soomaaliya. Malaha saa xiibkay (Wasiir Duur) waxaan filayaa in aan si wanaagsan loo fahmin. Waxaan leeyahay Somalilan d farogelin kumay samayn, kumana samaynayso arrimaha siyaasiga ee daakhiliga u ah Soomaa liya, xidhiidhka naga dhexeeyaana waa in aannu u wadahadalno sidii labada dal oo jaara oo daris ah iyo xidhiidhka hadhow na dhexmari doona oo ay ka mid tahay in aannu xagga nabadgelyada oo kale iska kaashanno.”


Guddoomiyaha Maxkamadda sare
Yuusuf Ismaaciil Cali iyo wasiirka cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, labadoodana waxa ka dhex oogan khilaaf dhinaca awoodda ah. Guddoomiyaha Maxkamad da sare wuxuu ku sheegayaa inuu wasiirku farogelin ku hayo hawlaha garsoorka, isagoo guddoo miyaha Maxkamadda sare ku doodaya inuu wasiirku awoodihiisa ku darsaday garsoorka. Wasiirka cadaaladuna wuxuu qabaa aragti taas ka duwan oo uu ku sheegayo in mudadii uu joogay uu wax badan ka qabtay horumarinta bahda cadaaladda.
Waxa iyana jirta khilaaf ka dhex oogan taliska ciidamada qaranka iyo wasaaradda duulista oo la xidhiidh dhul ay labada dhinac isku maandhaafsanyihiin oo uu wasiirka duulistu ku doodayo inuu garoonka diyaaradaha ee Hargeysa leeyahay, taliska ciidankuna ku doodayaan inuu dhul ciidan yahay.


Wasaaradaha hawlaha guud iyo macdanta iyo biyaha ayaa iyaguna muddo isku khilaafsanaa aw oodaha, waxaanay ku muransanaayeen wasaaradda ay wakaaladaha korontada ee dalku hoos tagayaan. Laakiin Madaxweynaha ayaa iyaga khamiistii ku kala saaray digreeto, waxaanu wakaa ladaha korontada hoos geeyay wasaaradda hawlaha guud. Waxase aan iyadu weli si rasmi ah u hirgelin digreeto uu Madaxweynuhu wakaaladaha biyaha dalka marka laga reebo caasimadda ku hoos geeyay wasaaradda macdanta iyo biyaha, ka dib markii ay maayarada magaalooyinka qaar kood ka biyo diideen. In wasiirada iyo masuuliyiinta hawlaha qaranka loo dhiibay mararka qaar is khilaafaan, waa wax dhici kara, waxase ay umaddu la yaabantahay kaalintii hoggaaminta ee Mad axweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo aan meesha ka muuqan. Is bar-bar yaacu waa u halis da wladnimada iyo nidaamka maamul, haddii uu sii socdana waxa uu sii jilciyaa dawladnimada iyo kala dambaynta. Sidaas daraadeed Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxa la gudboon inuu gu to waajibaadkiisa hoggaamiyenimo ee ay umaddu u dooratay islamarkaana shaqadooda kula xisa abtamo masuuliyiinta uu xilalka u dhiibay.

Dad badan ayaa wadnaha farta kaga haya mustaqbalka xukuumadda madaxweyne Siilaanyo
oo haddii aanu dhaqso wax uga beddelin qaabka maamul ee uu u hoggaaminayey golihiisa xukuumad da ee aan qarsan khilaafaadkooda iyo farriimaha saxaafadda ay isu marinayaan ay ragaadin doo naan xilka ay qaranka u hayaan, taas oo la xisaabtanka u dambeeya iyo masuuliyaddeeda laga rabo madaxweynaha.

 


Source: Wargeyska Geeska Afrika