Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Kulan La Yeeshay Hogaanka Xisbiga Kulmiye


 


Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa kulankaasi ka dib ka hadlay........


Hargeysa (TNN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaanka sare ee xisbiga talada haya ee Kulmiye, kuwaas oo w ada hadlay sidii xisbigu ugu diyaar garoobi lahaa Doorashada Goleyaasha Deegaanka 28-ka Bishan November 2012-ka ka dhici-doona Dalka.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa kulankaasi ka dib ka hadlay qodobadii ay madaxweynaha iyo Hoggaanka xisbigu ka wada hadleen, waxaanu tilmaamay inuu ku wa jahnaa dar-dar gelinta xisbiga ee doorashada deegaanka.

Muuse Biixi waxa uu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid la xidhiidhay sidii Guddiyo ka socda G olaha dhexe ee Kulmiye loogu kala diri lahaa gobolada dalka si xisbigu ugu diyaar garoobo doorashada deegaanka. Waxaanu tilmaamay inaanay ka qeyb gelin xubno ka tirsan golaha Wasiirrada.

Sidoo kale, Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa isna ka hadlay kulankaasi oo uu tilmaamay inay Madaxweynuhu shir la yeeshay Hoggaanka iyo xubno ka mid ah Golaha dhexe, taasi oo qeyb ka ah u diyaar garowga doorashooyinka deegaanka.

“Kulankaasi waxa uu ahaa Kulan iska caadi ah oo Hoggaanka KULMIYE ka dalbaday Madaxw eynaha, waxaana lagaga hadlay u diyaar garowga xisbiga ee doorashada deegaanka. Hoggaamiyaha Xisbiga KULMIYE-na waa Madaxweynaha waa xisbigiisii, waa xisbigii laga do ortay , waa xisbigii uu aasaasay, waana xisbigiisii. Markaa xaq buu u leeyahay inuu la shiro Hoggaankiisa iyo Golihiisa dhexeba,”
 

 


Timacade  News Desk
Hargeysa , Somaliland