Madaxweyne AMM Siilaanyo ma golaha Guurtida ayuu soo dhisaayey mise golaha Wasiirada?

 

Ku dhowaaqistii lagu dhowaaqay wasiiraddii xukuumadda Axmed M. Maxamuud (Siilaanyo) ----- judhiiba, Mareeguhu waxa ay soo gudbiyeen magacyadii wasiirada ee la wada  suga yey. Qaar baa ku sii ladhay mid-kastaaba beesha uu ka soo jeedo. Garanmaayo sababta, Saa! isku xisbi bay ka soo wada jeedeene. Sugitaanka la wada sugayey ayaa malaa kala geddisnaa, oo dadka qaar waxa ay eegayeen bal in ay ka dhex arkaan aqoon, qaar kale waxa ay eegayeen bal in uu odaygu soo xusho xubno cusub, qaar kale waxa ay kollayba eegayeen sida uu isu waafajin lahaa taladii ahayd tiro yar oo wasiirro ah iyo indhaha  bee luhu ku eegidoonaan. Waxa aan ka madhnayn in dadka qaar ay ka dhex eegayeen  korna yladii SNM.

Qoraalkan oo ka dhashay uun dareenka maalmahan socda ee ku jeeda magacaabis-ta  gol aha wasiirada, waxa aan jeclaystay bal in aan dareenkayga wax kaga darsado.Waa ilaah ay mahaddii oo waxa aynu xor u nahay in aynu aragtideena dhiibanno. Waxa aanse aad ula yaabay markii aan arkay qoraallo ujeedo fog leh oo ah " Waan ka baxayaa Somaliland haddii aan la i siin wasiir". Qoraaladaasi ma aha kuwo aynu fahmi karno ujeedadooda fog, aan ka ahayn in ay yihiin dad jecel in la burburiyo Jamhuuriyadda Somaliland oo noqotay mid lagu faano. Sidaa darteed aynu iska baandhayno qoraalada jaadkaas ah. Intaa ka dib waxa aan is weydiiyey, madaxweynaha cusubi ma waxa uu inoo soo dhisayey Golihii Guurt ida ee beelaha ku salaysnaa, mise waxa uu soo dhisayey xukuumaddiisa ku salaysan  Xisb iga Kulmiye?

Madaxweynihii hore mudane Daahir Rayaale, waxa aan qabaa haddii uu bilawgiiba soo  dh isi lahaa wasiirro wax qabanaya, oo xataa ay isku beelyihiin, in maanta looga aayi lahaa dal dhisan oo dhaqaale leh. Halka loogu yimi khasnaddii dawladda ee dalka oo  haawana ysa. Miyaad aragtay cid isweydiinaysa xoolihii dalku haka uu maray? Maya ma aad arag, laakiin waxa aad aragtay dad leh wasiirradii si siman looma qaybin. Waxa ay taasi ku  tusa ysaa sida aan looga dareen qabin waxa dadkaaga iyo dalkaaga ka maqan. Maanta  xukuu maddii Daahir Rayaale looguma iman shilin ama ganbo dhexdalool ah. Adiga iyo garaadkaa halka ay xoolahaasi mareen. Waxa aynu wada ognahay weliba sida hambalyada loogu asqeeyey. Tolow miyuu mutaystay?

Madaxweynaha cusub waxa aynu ka hor imanaynaa marka uu xeerka dalka jebiyo.Dee  ku ma taallo xeerkeenna beeshaas na intaasoo wasiir sii, taa kalena intaa. Waxaase innoogu yaal waxbadan oo aynu isha ku hayndoono, sida uu ka yeelo Madaxweynaha cusub iyo  xu kuumaddiisu. Haddii uu jebiyo, waa taa ta aynu kula xisaabtamaynaa af iyo addinba. Waxa aynu ka rabnaa sidii uu ula shaqayn lahaa baarlamaankeenna laga guray ilkihii ee uu  Daa hir Rayaale ka guray. Waxa aynu ka sugaynaa in aan la xidhin muwaadin xisbiga UDUB ah oo aan lagu qaadin xukunka degdegga ah. Miyaad weligaa maqashay xukuumaddii hore oo xidhay xubin ka mid ah xisbiga UDUB? Maya ma aad maqal. Imisa jeer baad maqashay  wa xa la xidhay oo weliba jidhdil loo geystay xubin ka tirsan xisbiga Kulmiye? xisaab ma laha. Imminkana ma maqli karno UDUB baa la xidhay.

Waxa aynu sugaynaa idaacaddii noqotay (Faannoole fari kama qodna bal siday  xukuuma ddani ka yeesho. Waxa aynu sugaynaa dekedda Berbera in ay wax iska beddelaan. Waxa aynu sugaynaa lacagtan ku xanniban Burco in xal loo helo. Yeynaan ku meeraysan  wasiir ro. Wax ka weyn baa inna horyaalla. Qoraalada qaarna ha la iska shaandheeyo. Dagaalku ma aha ah ka xabbada laguula yimaaddo, ee mid qalin sita ayaa ka xoog badan, oo jecel in uu Jamhuuriyaddeena sharafta leh ku kala qaybiyo qalin. "doqoni ma garatay ah" .  Xisaa bteenu waa ay ka weyn tahay wasiirro. Odayguna dee golihii guurtida innoomuu  qaybina yn ee waa golaha wasiirrada ee xukuumaddiisa Kulmiye.

Ishaa macallin ah, aynu isha ku hayno xukuumadda cusub.


Nabad iyo caano

 

 

 

Sayid-Axmed M Yuusuf
Sweden