Madaxweyne, Maxaa Kaa Hortaagan Fulinta Xukunkii Ceelbardaale ?


 

Aakhirkii Sanadkii 1988kii, markii xoogagii S.N.M ay ka baxeen Magaalada Hargeysa 13/08/1988, Markaas oo uu daciifay  Lax aadkii Ciidamadu, duqay uu kamid ahaa Maruxuum Sh. Ibr aahim Sh. Yuusuf waxay abaabul laxaad leh u galeen sidii ay u suurto geli lahaayeen Shir-weyne ay isugu yimadaan  dhama anba  du qaydii Beelihii halganka ku jirtay, kana tirsanaa  Bee sha dhexe ee Somaliland , iyagoo ay iskuwada yimaadeen  dh ammaanba duqaydii Belihii halganka ku jiray, , waxaana uu socday  abaa bulkaasi muddo sadex bilood ah waxayna qabteen Shir-weyne aakhirkii sanadkii 1988kii Biishii (December). Halkaas ayey ka hana qaadey ama ka abuurantay Guurtida dastuuriga ahi . Waxayna xoojiyeen dib u  abaab ulna ku sameeyeen, dibna u huriyeen dhammaanba hawlihii kala duwanaa ee halganka, haday  aha yd ciidan uruurin, taakuleyn, saad, xanaanayn dhaawac, rasaas iwm.

Mudadii hallganka lagu jirey Guurtidii Dasturiiga ahayd waxay ka hayeen  halga nka udub-dhaxaad, waxyna mar waliba u taagnaayeen xalinta khilaafaadka iyo iska hor-imaadka yimaada.

Guurtidaa dastuuriga ah markii dalka dib loogu soo noqdey ee laga xoreeyay Rajiimkii Siyaad Bare, waxay qabteen oo ay Magaalada Ber-bera ka dhacay 23February 1991 kulankii ugu horeyay ee wax-garadka iyo duqayda Reer  Som alilnad kaasi oo ahaa Guddoonkii ugu horeeyay ee dhinaca Nabada iyo  walaalt inimo.Waxayna bilaabeen hawlo nabadeed oo Bulshada dhex-marta, la gaadh-siiyayna ilaa hoos waxayna suurta galiyeen in shirkii Nabadeed ee la baxay  (Gu ul Alla) uu ku qabsoomo Magaaladda Boorama 28February 1991-3March 1991, shirkaasi oo ahaa mid taariikhi ah marka laa hadlayo nabadeyntii dhex martey Beelaha Reer Somaliland.Guurtidi daasi waxay abaabuleen Nabadayntii hoose ee Beelaha ka dib, shir-weynihii Guurtiyada Beelaha Somalilnad, 27April 1991---18May 1991.

Shirweynahaasi oo dib loogula soo noqdey Madax-banaanidi Reer Somaliland, Guurtidu waxay ku lahayd doorka ugu wayn, waxayna horseed ka ahaayeen Go'aamadii loogu gaadhay Burco, Guurtidii Beelaha Reer Somaliland waxay gurmad Nabadeed u tageen Magaalada Burco, halkaasina waxay ku  heshiisii yeen dagaalkii iyo iska hor-imaadkii ka dhacay Magaalada Burco February 1992. Guurtidii Beelaha Reer Somalilnad waxay Magaalada Sheekh ku  dhammaystir een dagaalkii sokeeye ee Berbera ka socday mudada lixda Bilood ah. shirkaas Nabada ee Sheekh oo socday 2October 1992-15November 1992 ka sokow heshiisiintii labada Beelood wuxu ahaa kii ay ka soo baxeen Go'aamadii guud ee dhinaca Nabad-gelyada, isla markaasna lagu odorosay shirweynihii Boorama, sidoo kale shirkaas Nabadeed ee Sheekh ee guurtidu waday wuxuu ahaa kii Somalilnad kaga Nabad-gashay in ay yimaadaan Ciidamadii UNISOM oo  wakhti gaas ka degayay Muqdisho., waxaa kale oo Golaha guurtida Somaliland & wax-garadkii Beelaha Reer Somaliland abaabuleen suurta geliiyeena Shirweynihii labaad ee Guurtiyada Beelhaa Reer Somaliland, kuna qaabsoomay Magaalda boorama 24January 1993-25May 1993.

Shirweynahaasi oo ahaa kii ay ka soo baxeen Axdigii Nabad-gelyo, Axdigii  Qar an iyo xukuumadii uu Madaxda ka noqday Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal. Sanadkii 1996/1997 waxay Golaha Guurtid hagitaankiisa lahaayeen shirwaynihii sadexaad ee Beelaha Reer Somaliland. Shir-waynihii wuxuu ahaa kii loogu  dha mmaystiray iska hor-imaadkii iyo khilaafaadki siyaasiga ahaa ee sababay  daga alkii sokeeye ee dalka ka dhacay 15cotober 1994-October 1996.

Shirwaynahaasi wuxuu socday 15ctober 1996-March 1997, wuxuuna ahaa kii lagu Guddoonsaday Dastuurka, mar-labaadna loogu doortay Xukuumadii Labad ee Madaxda ka ahaa Marxuum Cigaal. Intaa wixii ka dambasayna waxay ahaa golaha guurtidu kuwa u taagnaa xalinta khilaafaadada siyaasaddeed ee lasoo darsa qarankan curdinka ah .


Haddii aan usoo noqdo ujeedada qoraalkaygan waxa la ogaa in gudi kasocota Golaha Guurtada Somaliland ay galeen xalinta iyo go’aan ka gaadhista muran dheleedka Ceerbardaale ee u dhexeeya beelaha kasoo kala jeeda Gabiley iyo Awdal, taas ayna ahay markii kowaad balse marar hore oo dharwa ay galeen balse ayna fulin go’aamadoodii sababo wakhtigaa jiray dartood, sidaynu la  soc ono go’aanka Guurtida fulinteeda waxay ahay hawl ay u taalay oo ay  masuu liyadeeda lahayd Xukuumada Madaxweyne Rayaale iyada oo mudo bil ah oo ka bilaabmaysay 1 june illaa 30 june 2009 ay ahayd wakhtigaas loogu talagalay inay xukuumadu ku fuliso, waxaa xusid mudan inayna xukuumadu wakhigiii loo gu talagalay fulintaas ayna hirgelin, warsaxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Arimaha Guduhu isla 30 June 2009 oo ku beegnayd maalintii u dambaysay  wak htiga loo qabtay inay xukuumadu ku fuliso ayaa uu ku sheegay inay hawshaa ay gali doonto Wasaarada Arimaha Guduhu taas oo noqotay arin lamafilaan ah maadaama oo Guurtidaa hawlqabadkooda aanu dusha kusoo xusnay ay mudo dheer ku jireen go’aankii u dambeeyeyna ka gaadheen, dareeno badan oo  kac ay darteed waxaa Qasriga Madaxtooyaa ku kulmay Madaxweyne Rayaale iyo Cuqaasha iyo Waxgarad Labaataneeyo ah oo kasoo jeeda Gobolka Gabiley  wax ayna ka wada hadlayaan fulinta go’aankaa hore guurtidu u gaadhay, waxaana uu Madaxweynuhu balan qaaday inuu fulinaayo go;aankaa walaw ay jireen oo ay soo baxeen wararkale oo kaa kasoo horjeeda sababteedana sida loo  badi nayo ay ka timi dilkii Jid-Gooyada ahaa ee 10 July 2009 ka dhacay jidka isku  xi dha Gabiley iyo boorama oo ay ku nafwaaeyeen afar nin oo rayid ah kana soo jeeday Gobolka Awdal , sida la rumaysan yahayna uu ahaa shilkaasi mid ku  cu sub Somaliland oo aan hore uga dhicin cidii ka dambaysayna ay ahayd in  shar ciga la horkeeno ,. Iyada oo ay sidaa tahay waxaa illaa wakhtiaa laga  sugaa yey Madaxweyne Rayaale inuu fuliyo Go’aankaa aynu dusha kusoo xusnay oo hadal qaadkiisa ay inoogu dambaysay 10july09 , waxay runtu tahay in labadaa arimood ay yihiin kuwa fulinteeda iyo waxka qabashadeeduba kala duwan yihiin oo aan la isku qaldin la iskuna xidhin, Madaxweynaha waxaan leeyahay yaan la isku xidhin labada arimood ee fulinta Go’aanka iyo Sharci-Marinta raga dilkaa jidgooyada ah gaystay, waxaan qabaa labadaa arimoodba Xukuumadaa  kamsu ula oo maanta laga sugayaa , adigaa fulinta lagaa sugayaa ,adigaana sidii  rag aa falka gaystay sidii sharciga loo keeni lahaana lagaa sugayaa .



Waxaan kusoo gunaanadayaa , Madaxweyne dalka oo dhan adaa u  Madaxwe yne ah , waxaad tahay Madaxweyne qaran, haddii aad dib u milicsato Taariikh-Siyaasadeedkaagii Somaliland Alle ha u naxariistee Marxuum Cigaal waxa uu kaa doortay 7 xubnood oo u badan Gobolka Awdal 1997 oo uu Golihii Guurtida farta kuugu soo fiiqay, xaqu marku ku yimid Marxuum Cigaal May 2002, xaq  wa x aa u lahaa kursgia Madaxtooyada Gudoomiyii Guurtida ee wakhtigaa oo ahaa Marxuum Sh Ibrahim Sh Yusuf , haddana adigaa laguugu soo dhaweeyey . Mar Sedexaad Tartankii Madaxtooyada ee 2003 ayaa waxaa lagaa doortay oo aad 80cod kaga qaaday halgamaagii u weynaa ee qarnigii tagey oo aan marna la is odhan taasi wey dhacaysaa, oo markii 80cod ay mucaaridku ku qanci waayeen , ay ku yidhaahdeen odayadu hogaamiyihii mucaaaridka lagaama guulaysane waxaanu u aragnay xal ee sidaa ku aqbal, Madaxweyne waxaan ku leehaya  “Si dii ay Beesha Dhexe Kuugu Listay Ugumaad Hambayn” ee fuli xukunka ay riday Guurtidaa Taariikhda Dahabka ah ku leh Qarankeenan.



Wabillahi Tawfiq



 

C/rasaaq Sh Cali Askar
Hargeisa , Somaliland