Madaxweyne-KuxigeenkaSomaliland
Oo MaantaXadhiga ka jaray Dhismayaal Cusub oo Hay’ada Save The
Children Ku kordhisey Qaar Kamid Ah Saldhigyada Booliska Somaliland
Hargeysa (TNN)-Madaxweyne-kuxigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi
Ismaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb-gely xaflad balaadhan oo
xadhiga laga jaray ilaa 10 saldhig oo ay haya’da Save The Children
ay ka Hir Gelisay Qaar Kamid Ah Saldhigyada Booliska Ee Somaliland,
loguna tallo galay caruurta Khilaafta s harciga , kuwaasi oo
ku kala yaala Gobolada Maroodi-jeex, Awdal, Gabiley iyoSaaxil.
Waxana xafladaasi oo aheyd mid si aad u heersareysa loosoo qaban
qaabiyey ka soo qayb-gelay wasiirka wasaarada Cada alada
Somaliland Prof. Ismaciil Muumin Aare Wasiirka Warfaafinta C/laahi
Cismaan (Geeljire) Wasiirka W asaarada Shaqadda iyo Arimaha
Bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka Booliska
So maliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Kabaal), iyo Wasiirkii hore ee
Duulista iyo hawada Cali Waran cadde, iyo Masuuliyiin ka socoday
Hay’ada Dhismayaashan fulisay ee Save The Children waxaana xafladan
lagu qa btay Hotel Maansoor ee magalada Hargeysa,
Madaxweyne-kuxigeenka Somaliland C/raxman C/laahi Ismaciil (Saylici)
oo xafladaasi ka hadlay ayaa w axa uu sheegay in loo
bahan yahay in la ilaaliyo Xuquuqda caruurta yaryar, waxanu sheegay
in ka xuku umad ahaan ay wax weyn ay ka qaban doonaan
ilaalinta caruurta yaryar ee somaliland waxanu yidhi “W axaan
halkan u imid in aanu mihiimad weyn aanu siimayno arintan ku saabsan
ilaalinta xuquuqda caruur ta, iyada oo ay caruurtu tahay
lafdhabartii dalka, waxanuna diyaar u nahay sidii loo toosin lahaa
caruur ta sharciga khilaafta, waxanu dhinac habalyo sinayna haya’ada
hawshan ku jirtay ee Save the Childer, waxanuna aad ugu sii mahad
naqaynaa in ay haya’adani sameeysay meeshii caruurta lagu dhaqan
celin lahaa. Booliskan waxaan leeyahay meelaha loogu tallo galay
caruurta in ay iyagun ku ilaaliyaan lakiin waxa aanu aad ugu
faraxsanahay in maanta laga guurayo, meeshii ilamaha yar lagula
xidhayey nin tuug ah, ama sirkhan ah oo halkii ilamaha laga
doonanyey in la dhaqan celiyo uu ku soo baranyey Dhaqan xumo,
waxanuna leenahay booliskii loo tababaray caruurta in loo daayo oo
aan meel kale loga kaxaynin, waayo waxa la galiyey dadaal iyo aqoon
badan”Ayuu yidhi Madaxweyne-kuxigeenku Saylici.
Waxa kale oo isaguna xafladaasi ka hadlay Ismaciil Yaxye oo
Kuhadlaayey mashruuc ilaalinta Xuquuqda caruurta ee hay’ada Save The
Children waxanu sheegay in ay somaliland ka hirgaliyeen 10 saldhig
oo lo gu tallo galay caruurta khilaafta sharciga isaga oo
arintaasi ka hadlayna waxa uu yidhi “Save the Childr en muddo
dheer ayey ka shaqaynaysay hawlaha ku saabsan ilaalinta xuquuqda
caruurta gaar ahaan caruurta khilaafta sharciga, waxanay hay’ada
Save the Children hirgalisay 10 saldhig oo shan ka mid ah ay
dhismayaal ay ku kordhisay, kuwaas oo qaar ka mid ah aynu doonayno
in maanta uu madaxweyne-kuxigeenku xadhiga inooga jaro, waxayna ku
kala yaalan somaliland gaar ahaan 2 ku yaala Hargeysa, mid ku yaala
Boorama, berbera, gabiley waxaanuna ugu tallo galnay in loogu adeego
caruurta da’yarta ah ee aynu u bixinay kuwa sharciga khilaafay,
dhammaan saldhigyadaasi waxa logu tallo galay caruurtasa, waxa ay
Save the Children ay sameysay sharciga logu tllo galay caruurta
khilaafta sharciga waxanuna la kaashanay wasaarada Cadaalada,
sharciga caruurtu waxa uu shegayaa in la sameeyo Boolis u gaar ah
caruurta, Maxkamado u gaar ah iyo xarumo dhaqan celineed oo u gaar
ah, marka waxaynu fursad u helnay in aanu dalka ka hirgalinay 10
saldhig oo ku kala yaala gobolada somaliland.” Ayuu yidhi Ismaciil
Yaxye
Nimco Maxamed Faarax oo ka tirsan Masuuliyiinta Hay’ada calamiga ah
ee Save the Children oo munaasi badaasi saaka kahadleysay ayaa
Tilmaamtay in waddo shaqayn buxda ay ka dhaxayso xukuumada
soma liland waxa kale oo ay xustay in Haya’da Save the Children waxa
badan ay somaliland ka qabatay waxa nay tidhi sidan “ Save the
Children waxa ay somaliland ka shaqaynaysay ilaa iyo 1998 ilaa
wakhtigan aynu joogno, waxayna ka shaqaynaysay ilaalinta iyo kor u
qaadida xuquuqda caruurta, waxanay wada s haqeeyn fiicani naga
dhaxaysa Dawlada. gaar ahaan wasaradaha caafimadaaka oo aanu
cafimaadka kala shaqayno wasarada waxbarashada oo aaanu
waxabarashada kala shaqayno, wasarada cadaalada oo aanu kala
shaqayno ilaalinta xuquuqda caruurta, wasarada shaqada iyo arimaha
bulshada oo aanu kala shaqayno kor u qaadida xirfadaha shaqo ee
dhalinayarada iyo shaqo abuuristooda, waxanu kale oo aanu la
shaqaynaa dhammaan uruurada xidhiidhku naga dhaxeeyo. Save the
Children waxa ay sameysay xarumo logu tallo galay in lagu dhaqan
celiyo caruurta khilaafta sharciga, waxaanu tababaro siinay
booliskii gacanta ku hayn lahaa caruurtaasi, waxanu qalabaynay
dhammaan xafiisaydii logu adeegi lahaa caruurtaas.”Ayey tidhi Nimco
Maxamed
Nimco Maxamed Faarax Waxay Gabagabdii Ugu Baaqdey Xukuumada
Somaliland Inay udaayaan Shaqaa laha iyo Booliska Loo
Tababarey Iney Kashaqeeyaan Daryeelka Caruurta Khilaafta Sharciga.oo
aaney kabadalin.
Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska
Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Cilmi kabaal) waxanu uga
mahadnaqay hay’ada Save the Children wax qabadka la taaban karro ee
ay ka fuliso somaliland waxa kale oo ka hadlay dhibaatada haysta
caruurta yaryar ee ku sugan somaliland isaga oo xusay in
dhibatadaasi ay cawaaqi xumo u keeni karto haddii aan waxba laga
qaban, waxanu tilmaamay in loo bahan yahay in caruurta la xanaaneyo
oo dhaqankooda iyo akhlaaqdooda la hagaajiyo.
Waxana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxa layaab igu noqotay aniga oo
habbeen dhawayd maray 12:00 habeenimo Misjidjaamaca weyn ee hargeysa,
ayaa waxa kaabad u dhow fadhiyey afar caruur ah, mid 13 jir ayuu ii
sheegay waxayna cabayeen bahashaas loo yaqaan xabagta, marka anigu
wax aan u arkayey caruurteydii oo Ilma Cilmi, ayaan u arkayey aad
baanan uga xanuunsaday qaarbaa abahood iyo hoyadood aan waydiyey
waxayna ii sheegen in ay wada nool yihiin, hadhawna marka la xidho
ilmo ayaa iga xidhan ayey yidhahadan” Ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka
Boliisku Cilmi Kabaal.
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka wasarada Shaqada
iyo Arimaha Bulshada Marwo Ilha an Maxamed Jaamac iyo Wasiirka
wasarada warfaafinta iyo wacyigalinta C/laahi Cismaan (Geel-jire)
waxayna iyaguna tilmaamen sida logu bahaan yahay in la ilaaliyo
xuquuqda caruurta waajibna ay tahay in ay helaan meel u gaar ah oo
lagu dhaqan celiyo, in ay helaan boolis gaar oo iyaga u tababaran,
iyo in ay helaan maxkamad gaar u ah caruurta in ay helaan waxayna
balan qadeen in wixii karaankooda ah ay ka qaybqadan doonan sidii
loo sugi lahaa Xuquuqda caruurta somaliland.
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka wasarada cadaalada
Ismaciil Muumin Aare iyo Wasiirkii hore ee duulista iyo Hawada Cali
Waran Cadde oo katirsan Madaxda Xisbiga Mucaridka ah ee Udub.
waxay iyaguna ay tilmaamen in diinta islaamku dhigayso in la
xanaaneyo caruurta yaryar ee soo koraysa waxanu xusay in marka ay
waajib ay tahay in la ilaaliyo xuquuqdooda, waxayna walidiinta u soo
jeediye en in ay iyaguna ka war hayaan caruurtooda yaryar, kana
ilaaliyaan wixii gaf ku ah, waxa kale oo uu xusay in arinta caruurtu
tahay mid qaran oo sameeyn balaadhan ku leh dalka, loona bahaan
yahay in xooga la saaro ilaalintooda waxa kale oo ay u mahad
celiyeen hay’ada mashruucan fulisay ee Save the Children oo ay ku
tilmaamen mid wax weyn dalka u qabtay.
Gabagabadii M/kuxigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi
ismaaciil{Saylici},ayaa Xadhiga kajar ey dhisme ay Hayada Save
The Children ka hir galisey Saldhiga Ibraahim Koodbuur Ee Magaalada
Harge ysa ,Dhismahan oo kamid ah Dhismayaal Gaadhaaya ilaa 10 Dhisme
oo Hayada Save Children Ka Hirgaliy een Qaarkamid ah
Saldhigyada Somaliland.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen.Cilmi Kabaal ayaa ugu
dambeyntii si rasmi ah uga lawareegay Hayada Save The Children
Dhismahan ay ka hirgeliyeen Saldhiga Koodbuur.
Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqale_88@hotmail.com
Hargeysa Somaliland.
|