Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud,OO soo dhaweeyay kalsooni kala laabashada Raiisal wasaarihiisa oo baarlamaanka codka kalsoonida kala noqday




Muqadisho (TNN):- Madaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay go'aankii ay xildhibaannada baarlamaanka Somalia codka kalsoonida ah kala laabteen xukuuma dda ra'iisul wasaare C/weli Shiikh Axmed, isagoo ballan-qaaday inuu sida ugu dhaqsiyaha bad an kusoo magacaabayo ra'iisul wasaare cusub.

Xasan Sheekh ayaa guddoonka baarlamaanka Somalia iyo xildhibaanada ugu hambaleeyya sid a xil-kasnimada iyo dimuquraadiyadda leh ee ay u guteen xilkooda dastuuriga ah, isagoo xuku umadda sheegay in xukuumaddii hore ay howl wanaagsan qabatay muddadii ay shaqeynays ay, ra’iisul wasaaraha uu soo magacaabayana uu halkaas kasii wadi doono howsha.


"Somalia way kasoo gudubtay dagaalkii sokeeye, fowdadii iyo xilligii ay u kala daadan kartay si sahal ah. Maanta waxay maraysaa meel hay’adaheeda dowladnimda ah ay si buuxdo u shaqey nayaan, guddoonka baarlamaanka iyo xidlhibaanada waxay muujiyeen dul-qaad, karti-dheera ad ah iyo inay aaminsan yihiin xalinta mushaakilaadkeenna. Waa dhab in kala aragti duwani ay jirtay,” ayuu madaxweynuhu ku sheegay hadalka uu jeediyay.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay inay albaabbadiisa u furan yihiin dhamaan siyaasiyiinta Soom aaliyeed, xildhibaannada baarlamaanka ee kalsoonida kala laabtay xukuumadda iyo kuwii taa geeray intaba, waxaana Beesha Caalamka uga mahad-celinaynaa sida ay nooga war-sugeen, maadaama ay iyagu qabeen walwal, balse walwalkii uu maanta soo af-jarmay.

"Xukuumadda lasoo dhisayo ma ahan mid ay cid gaar ahi leedahay, mid uu madaxweynuhu lee yahay iyo mid shaqsi gaar ah u adeegaysa, waa mid laga doonayo inay dalka horumar gaar sii so oo ay Soomaalida oo dhan leeyihiin,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu dhawaan soo magacaabi doono ra’iisul wasaare cusub si loo sii ambo-qaado howlaha hor-yaalla xukuumadda, isagoo shacabka ugu baaqay in ay ku kalsoonaadaan dowladooda.



Timacade News Desk
Muqdisho,Somaliya