Madaxweynaha Somaliland oo Xafiiskiisa ku qaabilay Axmed Ould Cabdalla
 

Madax-weynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta qasriga  mad axtooyadda ku qaabilay wafti ka socda Qaramada Midoobay, laanta u qaabilsan  So maliland iyo Somaliya.


Waftigaasi Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayo Axmed Ould Cabdala oo  socd aal gaaban ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland, waxa madaxweynuhu uu kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin in Somaliland ay u qalanto Qaramada Midoobay  in ay siiyaan tix-galin gaar ah ulana macaamilaan si gooni ah, gaar ahaan  mashaarii cda horumarka ah ee dalka ay ka hirgaliso maadaama Somaliland ay ku caanno  ma ash ay nabadgelyo iyo xasilooni aan ka jirin gobolo badan oo inagu xeeran.

Madaxweynuhu waxa uu waftiga Qaramadda Midoobay si ballaadhan ugu sheegay tixgalinta Somaliland ay ka mudan tahay caalamka intiisa kale isla markaana waxa uu carrabka ku dhuftay in isaga iyo xukuumaddiisaba ay ka go’an tahay in ay sii   w adaan geedi socodka nidaamka dimuqraadiyadda ee Somaliland ku caanno maashay.


Mudane Daahir Rayaale Kaahin mar uu soo qaaday arrimaha siyaasadda ee dalka  k a taagan waxa uu sheegay in uu si buuxda u taageersan yahay in khilaafka   siya as adeed mar walba ay Somaliland ku dhamaysato is-afgarad iyo wadda tashi sidii  caa dada u ahayd.


Mudane Ould Cabdala oo isna halkaa ka hadlay, waxa uu uga mahad naqay   madax weynaha, xukuumadda iyo shacbigaba, sida diirran ee loogu soo dhaweeyey  Som ali land isaga iyo weftigiisa, iyadoo aanay ahayn markii ugu horeysay ee uu  Soma liland yimaado.


Mudane Ould Cabdala waxa uu sheegay “ inuu aad ugu faraxsan yahay nabad  gely ada, xasiloonida iyo horumarka ay ku talaabsatay Somaliland, taas oo uu gaadhsiin doono Qaramada Midoobay golaheeda amaanka iyo hay’adaha kaalmada iyo  maal gashigaba ku sameeya waddamada dunida “, Ould Cabdala isaga oo hadalkii sii  wat awaxa kale oo uu yidhi “waxaanu ka furi doonaa magaalada Hargeysa xafiis cusub oo u qaabilsan qaramadda midoobay dhinaca siyaasada”, iyada oo la kordhin  doon o  shaqaalaha qaramada midoobay ee ka hawlgala Somaliland, waxa kale oo uu  int aa raaciyey ”in xafiiskaasi uu noqon doono mid sii ambaqaada taageerada xaga dh aqaalaha ee Qaramada Midoobay ku caawin doonto Somaliland gaar ahaan   sugita a nka nabad gelyada xeebaha iyo la dagaalanka argagixisada”.


Waftigaasi Qaramada Midoobay kulankaa ay saaka la yeesheen madaxweynaha waxa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane C/Laahi Maxamed Ducaale.
 


Allaa Mahad Leh

Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyadda JSL