Madaxweynaha Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi sare oo UDNP ah

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaa hin, waxa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi uu hogaaminayo Xidhii dhiyaha hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr Mark Bowden.

Madaxweynuhu kulankaasi uu la yeeshay Mr Bowden iyo wefdigiisa, waxa ugu horeyntii ugu mahad naqay socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland, waxa kale oo uu uga waramay baahida Somaliland ee dhinacyo badan oo ay ugu horeeyaan Gurmadka abaaraha ee ka dhacay gobollo badan oo Somaliland ka tirsan.


Madaxweynuhu, isaga oo arrintaasi sii faah faahinaya waxa uu yidhi “Dadka reer Somaliland ee abaaruhu saameeyeen uma baahna biyo dhaamis kaliya, hase yeeshee waxa iyana ay baahi weyn u qabaan cunno iyo nafaqayn siiba ubadka iyo dadka maatida ah, iyaga oo xoolihii ay ka soo saari jireen nolol maalmeedkoodii uu aad u dhintay”.Madaxweynuhu waxa kale oo uu wefdiga ka codsaday in laamaha Qaramada Midoobay ay sida ugu dhakhsaha badan u dhamays tiraan mashaariicda horumarka ah ee ay gacanta ku hayaan oo ay ka mid yihiin Jeelkii Magaalada Hargeysa oo in muddo ahba dhismihiisu socday iyo mashaariic kale oo ay gacanta ku hayaan hay’adaha Qaramada Midoobay una baahan in si dhakhso ah loo dar dar geliyo.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin mar uu soo qaaday arrimaha Budhcad badeeda, waxa uu yidhi “Somaliland waa dalka kaliya ee Geeska Afrika ee sida tooska ah gacanta ugu dhigtay budhcad badeeda, Maxkamadna saartay si ay sharciga ula tiigsato, waxana ilaa hadda Jeelasha Somaliland ku jira 25 qof oo lagu soo helay budhcad badeednimo, iyadoo arrimahaasi oo dhan Somaliland fulisay kaligeed, wax kaalmo ahna ka helin caalamka intiisa kale” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu waxa uu ka codsaday Qaramada Midoobay in ay dar-dar geliyaan sidii deeq bixiyayaashu iyo dalalka duniduba ay uga caawin lahaayeen Somaliland in ay xoojiso Tababarada Ciidamadeeda badda iyo baahiyaha Nabad gelyadeeda, si loo sugo la dagaalanka Budhcad badeeda iyo argagaxisada halista ku ah Mandaqada.

Mr Mark Bowden, oo isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay waxa uu sheegay in Somaliland oo muddo yar joogi jiray in uu maanta diyaar u yahay in uu dhawr maalmood ku negaado, si uu ugu kuur galo Mashaariicda horumarka ah ee Laamaha Qaramada Midoobay ay fuliyeen Somaliland iyo kuwa ay hadda gacanta ku hayaanba sidii loo dhamays tiri lahaa.

Mr Bowden waxa uu sheegay inta uu joogo Somaliland in uu kulamo kala duwan la yeelan doono dhawr wasaaradood oo ka tirsan xukuumada Somaliland, isaga oo si weyn ugu mahad naqay una bogaadiyay waxyaabaha ay qabsatay Somaliland oo ay ugu weyn tahay Nabad gelyada iyo xasiloonida, taas oo lagama maarmaan tahay in caalamku uu ku tix geliyo.

Kulankaasi waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirada Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Ibraahim, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali iyo saraakiil ka tirsan Laamaha Qaramada Midoobay ee ka hawl gala Somaliland.


Alla Mahad leh


Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL